Shacbiga Somaliland oo Qiimaynaya Bisaylka Guddoomiye Cirro ee Kulanka Chatham House

0
274

London(Dawan)- Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu ka hadli doono doorka Golaha Wakiillada ku leeyahay  jawaabo loo helo caqabada Somaliland ka haysta dib-u-dhaca doorashooyinka iyo sidii loo xoojin lahaa, kulan ka dhacaya xarunta Chatham House.

Sida lagu baahiyey mareegta Chatham House, xarun lagu daraaseeyo siyaasadaha, oo magaalada London ku taal, ayaa lagu sheegay in maanta lagu qaban doono kulan loogu magac daray xoojinta xisaabtanka Somaliland, doorka golaha wakiilada iyo saadaasha dib-u-habayntooda.

Kulankan maanta ka dhacaya Chatham House ee lagu martiqaaday Gudoomiyaha golaha wakiilada, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadanni, Md. Cabdiraxmaan Cirro oo ujeedadiisa guudmar la sheegay inuu ku saabsan dib u dhaca soo noqnoqday iyo kordhinta doorashooyinka wakiilada, deegaanka iyo madaxtooyada iyo saamayn ku yeelan karaa dhabahii dimoqraadiyadda Somaliland.

Qoraalka laga baahiyey kulankan ayaa lagu raaciyey in jawaabo gargaar bani’aadmnimada loo baahan yahay, si loogu caawiyo malaayiin qof oo halista abaarahu saameeyeen Somaliland, isla markaana taasi caqabad ku noqotay diiwaangelinta cod-bixiyeyaash

Heshiis labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland ku ansixiyeen dhismaha saldhiga Imaaraadka iyo maalgashiga dekeda, ayaa la saadaalinayo inay maalgashi dheeraad ah ka hesho Somaliland.

Dhinaca kale, madax Somaliland oo marar kala duwan hore loogu martiqaaday xaruntan Chatham House, ayaa Madaxweynahii hore Md. Dahir Rayale Kahin 6 March, 2009 kaga hadlay caqabadaha Somaliland, halka Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) uu xarunta Chatham House kaga hadlay 26 November, 2010 qorshayaashiisa Somaliland & saamaynta wadamada gobolka, balse kulanka Arbacada manta ee Gudoomiye Cirro oo la saadaalinayaa inuu sii balaadhiyo fahamka dunnidu ee muhiimada maalgashiga wadamada caalamku u yeelan doonaan Somaliland, ayaa sidoo kale baddi bulshada Somaliland ku qiimayn doonaan bisaylka siyaasadeed ee Gudoomiyaha golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo inuu si adag u difaaco danaha iyo siyaasadaha maalgashi ee Somaliland la wadaagto beesha caalamka, sida dalka Imaaraadka carabta oo wakhtigan si weyn aduunka iyo khubarada xarunta Chatham House uga dheregsan yihiin iyo inuu ka gaabsado, ama ka horyimaado xaqiiqooyin bulshada caalamka iyo shacabka Somaliland ka dheregsan yihiin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply