‘Cirro Isagaa Xeerka Bangiyada ku soo Daray Ajandaha Maaha Inuu ku Riixo Xukuumadda’

0
268

Hargeysa(Dawan)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise   oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha     Wakiillada   Jamhuuriyada Somaliland,    ayaa   sheegay in xildhibaannada xisbiga Kulmiye  ku kala aragti duwan yihiin ansixinta xeerka bangiyada ganacsiga ee horyaalla aqalkooda.

Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo shalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin in xildhibaannada Kulmiye dabada ka riixayaan sidii Goluhu  u ansixin lahaayeen xeerka bangiyadda  ganacsiga,waxaanu  xusay in dastuurka dalka u yaalaa aanu ogolayn wixii ka hor imanaya shareecada islaamka; “Waxba kama jiraan in xildhibaannada xisbiga Kulmiye ee golaha wakiilladu dabada  ka riixayaan in la ansixiyo xeerka bangiyadda ganacsiga.  xildhibaannada ka  soo hor jeeday  in lagu daro ajandaha Kulmiye ayay ahaayeen,waana lagu kala aragti duwan yahay iyadoo xisbiyo loo eegin xildhibaannada qaarna waxay qabaan in xeerka bangiyada la ansixiyo, xildhibaanno kalena way diidan yihiin. markaa Kulmiye ayay u badnaayeen  kuwa ka soo hor jeeday in Golaha la hor keeno xeerkaas,macquulna  maaha in la ansixiyo xeer ka soo hor jeeda dastuurka shuruucda islaamka. cid ku qasbi kartaana majirto  waxaa ka horaysa in la aqoonsado baankeenna inta aan baanan kale innoo iman.waxaa inoo xeera wixii sharcigeenna iyo diinteennu ogoshay,”ayuu yidhi Mudane Maxamed Xuseen.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray inay soo dhaweynayaan bangiyadda aan ka hor imanaynin shareecada islaamka, waxaannu yidhi; “Waanu  soo dhawaynaynaa bangiyadda  aan khilaafsanayn  sharcigeenna,xeerka bangiyadda ganacsiga waxa ajandaha ku soo daray Guddoomiyaha golaha wakiillada maaha in xukuumaddu ku riixo xeerkan,  xukuumaduna  ajandaha  ma samayso sida xeerarka loo  soo kala horaysiinayo. Laakiin  xukuumaddu xeerarka waa noo keentaa.  xeerkuna muddo badan ayuu golaha hor yaalay. golaha lama hor keeni karo wixii ka hor imanaya dastuurka iyo shareecada islaamka  qalad ayaanay ahayd in ajandaha lagu soo daro xeerka bangiyada ganacsiga maadaama oo  uu ribada jidaynayo.  hadii la doonayo in xeerkaas golaha la keeno  xeer bilaa ribo ah oo ay ku cadahay ribo la’aan waa in golaha keenaa.”

Xildhibaanku waxa uu qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka saacida dimuqraadiyada u soo jeediyay inay tixgeliyaan muddada kooban ee loo muddeeyay doorashada madaxtooyadda Somaliland, waxaanu yidhi,“Golaha Guurtidu waxay ku beegeen doorashada madaxtooyada wakhti xiliga   ugu habboon  ee lagu qaban karo doorashada, waana xili macquul ah,waxaa  fiican in dalalka  qaadhaan bixiyeyaasha  ee innaga taageera doorashooyinku in ay inala qaataan wakhtigaa loo cayimay in ay qabsoonto doorashada madaxtooyaddu,lagamana dayrin karo cilaaqaadka aynu la leenahay dalalka  qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland waxeeda iyadaa u madax-bannaan.”

Maxamed Xuseen wuxuu dambiile qaran ku tilmaamay ashkhaasta calooshood   u shaqaysteyaasha ah ee ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dawladda Soomaaliya.waxaanu  xusay in Somaliland danaheeda u madaxbannaan tahay. “Waa dambiile qaran nin ka  reer Somaliland   ee ka qaybgala  dawladda Soomaaliya.   waxa labada gole fasaxeen  in Somaliland   iyo  Soomaaliya wadahadli karaan. Somaliland go’eaamadeeda iyadaa iska leh cidna wax ka waydiin mayso waana laga yaabaa in Soomaaliya in ay yidhaahdaan ha laga noqdo saldhigga millatari Imaaraadka carabta ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera,ninkii iska tagay Xamar isagay u taallaa.  waxa muhiima in teena ku koobnaano oo aynaan macno u yeelin nin Xamar iska tagay,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Xildhibaanku.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply