Wasiir Khaliil oo si Adag uga Soo Hor-jeestay Xeerka Bangiyada Ganacsiga

0
262

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta  Jamhuuriyadda Somaliland,  Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa farriin adag u diray Golaha Somaliland oo uu hor yaalay xeerka bangiyadda ganacsi.

 

Wasiir  Khaliil Cabdilaahi Axmed  ayaa golaha ugu baaqay in ay ka feejignaadan ansixinta xeerka bangiyadda ganacsiga  oo  uu ku dooday  inay  ku jiraan qoddobo fududaynaa isticmaalka iyo adeegsiga ribadda.

“Waxaan farriin u dirayaa Golaha Wakiillada Somaliland, Waxaan leeyahay  ilaahay quraankiisa waxa uu ku yidhi  ‘Kuwa Allah  iyo Rasuulkiisa rumeeyayoow iskaga taga ribada, haddii aad sidaa yeeli weydaana ogsoonaada dagaal Allah iyo Rasuulkiisu idinla gelayaan.’ Culimadii ugu waaweyn, uguna aqoonta badan qaranku way soo baadheen, waanay ka fadhiisteen, waxay u  dhiibeen  (Golaha Wakiillada) warbixin sideed  bog ah oo ay kaga hadlayaan dhibaatada ay leedahay ribadu iyo qaabka maanta loo doonayo in ribada lagu fuliyo sidaad darteed,  waxaan halkan ugu digaynaa cid kasta oo ku hawlan. Waxaan u soo jeedinayaa inay  ribada ummada ka ilaaliyaan,”ayuu yidhi oo shalay ka hadlay xaflad loo sameeyay mid ka mid ah machadyada ka jira caasimada Hargeysa.

“Dastuurkeenna waxaa ku cad in aanay ribadu bannaaneyn ku shaqaysigeeda iyo macaamiladeeduba. Culimadu waxay caddeeyeen in aanay bangiyo diidanayn oo  bangi kast oo dunida ka shaqeeyaa wuu iman karaa haddii uu shareecada waafaqsan  yahay.”

 

Xeerka Bangiyada ganacsiga,  ayaa Golaha Wakiillada Somaliland hor yaalley muddo ka badan toban sanno, waxaana  wakhtigaas  u soo gudbisay xukuumadii hore ee Madaxweyne  Daahir Rayaale Kaahin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply