Muuse Biixi oo Beesha Caalamka ku Dhaliilay Kaalintooda Taakulaynta Bulshada Abaaraysan

0
253

Nairobi(Dawan)- Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan uu  danjireyaasha dawladda Maraykanka iyo ururka midowga Yurub kula yeeshay Nairobi, waxa uu ku dhaliilay beesha caalamka siday uga gaabisay abaarta adag ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland oo uu tilmaamay inay saamaysay dad gaadhaya laba milyan oo qof.

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa kaloo uu dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka ku booriyay inay sii wadaan taageerada ay ka gaystaan horumarinta dimuqraadiyada Somaliland, waxaannu u caddeeyay in dib u dhaca doorashooyinka ay sababeen abaarta riiq dheeraatay ee ka jirta dalka.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga KULMIYE; “Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Kenya, ayaa kulankoodii u horreeyey ee safarkan la yeeshay safiirrada dawladda Maraykanka iyo Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Kulan weftiga Guddoomiyaha KULMIYE iyo Safiirka Marayknaka Mr. Stephen Michael Schwartz iyo Safiirka Midowga Yurub Mrs. Veronique Lorenzo ku dhexmaray magaalada Nairobi xalay(habeen hore), waxay ku yeesheen wadahadal dheer oo lagu lafaguray arrimo kala duwan oo ay ugu waawayn yihiin; abaarta ka jirta Somaliland, doorashooyinka iyo dib-u-dhaca ku yimi, xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinaya oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, waxay u faahfaahin dheer ka siiyeen safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub guud ahaan xaaladda Somaliland ee xilligan, gaar ahaan abaarta adag ee ka jirta waddanka oo sababtay in ay halis ku jiraan dad gaadhaya laba milyan oo ay saamaysay abaartu, kadib markii xoolihii ka dhammaadeen, isla markaana shacabka iyo dawladda Somaliland wixii itaalkooda ah ay gurmad taakulo lagu gaadhsiiyo dadka jilicsan wadaan muddo lix bilood ah, balse beesha caalamka iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaashu ay ka gaabiyeen waxtar ay ka gaystaan gurmadka xaaladda xun ee abaarta Somaliland, sidaasi darteedna looga baahan yahay inay si degdeg ah gacan uga gaystaan abaarta.”

Waxa kaloo masuuliyiinta Somaliland uga warrameen dublamaasiyiinta Maraykanka iyo Midowga Yurub doorashooyinka Somaliland iyo dib-u-dhaca ku yimi xilligii la qaban lahaa oo ay si ballaadhan ugu sharraxeen sababta keentay ee ah duruufta abaarta ka taagan Gobollada Somaliland, waxaanna Guddoomiyaha KULMIYE ka codsaday qaadhaan-bixiyayaasha caawiya Somaliland ee ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Midowga Yurub inay sii wadaan taageerada doorashooyinka iyo horumarka Somaliland ee midho-dhalka fiican ay ka gaadhay, loogana baahan yahay inay bixiyaan kharashka kaga beegan doorashooyinka soo socda oo reer Somaliland ay ka go’an tahay inay ku qabsoomaan xilliyada loo cayimay ee ay ugu soo horreyso doorashada Madaxtooyada oo hadda u qorshaysan inay dhacdo bisha November ee sannadkan 2017.

Sidoo kale, labada dhinac waxay ka wadahadleen xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasaddeed ee uu marayo Gobolka Geeska Afrika iyo sidii looga wadashaqayn lahaa arrimaha ka taagan si loogu wada noolaado xasillooni iyo horumar,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

“Dhankooda safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya – Stephen Michael Schwartz iyo Veronique Lorenzo waxay soo dhaweeyeen qodobada ay kala hadleen weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanay rajo ka muujiyeen inay kaalintooda ka qaadanayaan arrimaha Somaliland ee waxtarkooda laga codsaday, iyadoo haweenayda Safiirka Midowga Yurub ballanqaaday inay dhawaan socdaal ku iman doonto Somaliland si ay u aragto baaxadda xaaladda abaarta taagan.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE waxa kaloo u qorshaysan inay kulamo kale kula yeeshaan magaalada Nairobi dublamaasiyiin, hay’ado caalami ah iyo kuwo Qaramada Midoobay oo ay kala hadlaan arrimaha Somaliland,”ayaa lagu soo gabogabeeyay qoraalka xisbal-xaakimka KULMIYE.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply