Wargeys Caalami Ah oo Warbixin ka Qoray Ahmiyadda Saldhigga Imaaraadku u Yeelanayo Dhaqaalaha Somaliland

0
283

Dubai(Dawan)- “Heshiiskan, markuu dhammaado wuxuu xoojin doonaa xidhiidhka labada dal oo soo xoogaysanayey illaa sannadkii 2012,  si firfircoonna iskaashi uga lahaa maalgashiga, ganacsiga, difaaca iyo amniga. Marka la eego gargaarka bani’aadanimo waxaa la xusuustaa go’aankii qoyska Boqortooyadda Imaaraadku u qaadeen mashaariicda lagu taageerayo dadweynaha Somailand, si kii u dambeeyey ee abaaraha,” Sidaa waxa lagu sheegay warbixin lagu baahiyey muhiimada saldhigga millatari ee Imaaradku ku yeelanayo Berbera.

Warbixin lagu baahiyey Wargeysla IlcafeGeopolitico, oo falan-qeeya arrimaha millatariga iyo saamayntooda siyaasadaha caalamka, ayaa lagu bilaabay: “Dalka Imaaraadka carabtu wuxuu isu diyaarinayaa inuu xoojiyo joogitaankiisa millatari ee Geeska Afrika, gaar ahaan jamhuuriyadda Somaliland. sida laga soo xigtay xukuumadda Somaliland, wefti labada dawladood ka socda ayaa wada saxeexday heshiis ay magaalada Berbera kag dhisanayaan saldhig millatari. Dalka Imaaraadka ayaa sidoo kale caddeeyey inay ku caawin doonaan saanad millatari iyo tababarka ciidammada amaanka Somaliland.

Heshiiskani markuu dhammaado wuxuu xoojin doonaa xidhiidhka labada dal, oo soo xoogaysanayey ilaa sannadkii 2012,  si firfircoonna iskaashi uga lahaa maalgashiga, ganacsiga, difaaca iyo amniga. Marka la eego gargaarka bani’aadanimo waxaa la xusuustaa go’aankii qoyska Boqortooyadda Imaaraadku u qaadeen mashaariicda lagu taageerayo dadweynaha Somaliland sida abaaraha.

Sidoo kale, tusaalaha iskaashiga waxa ka mid ah May 2016, markii shirkada maamusha dekedaha ee DP World la saxeexatay heshiis maalgashi iyo maamulka dekedda Berbera Somaliland, oo soconaya muddo 30 sannadood ah, kuna bixi doonto dhaqaale ka badan $442 milyan, oo ka dhigi doona dekeda marinka ganacsiga barriga Afrika, isla markaana kobcin doona dhaqaalaha Somaliland, inkastoo wadammada jaarku werwer ka muujiyeen iskaaashiga cusub ee Somaliland iyo Imaraaadka carabta.

Iskaashiga Itoobiya & Somaliland:

Inkastoo ballaadhinta dekeda Berbera xiisaynayso Itoobiya, si ganacsigooda ugu soo leexiyaan qeyb dekedda, ayaa dhinaca kale indhaha ku haysaa waxa soo kordha.

Xaqiiqdii, iskaashiga u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ayaa u badan dhinaca ganacsiga iyo amaanka. Heshiiskii ugu horeeyey oo la saxeexay 4 April 2016, hoos loogu dhigayo cashuuraha, iyo in saami gaadhaya boqolkiiba 30% ganacsiga Itoobiya soo maro dekedda Berbera, waa fursadaha iskaashi ee labada dal wadaagaan.

Inkastoo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya muhiimad weyn leeyahay, haddana, maalgashiga dalkan qanniga ah ee Imaaraadka ayaan la dayaci karin,”ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Dawannnews Hargeysa office

Leave a Reply