IQ Maskaxda Qofka Iyo Fahankeeda

0
554

Xarafyada IQ waxay ka taagan yihiin labada kelmadood ee “intelligence quotient” oo noqonaysa maskax badani. Waa imtixaan lagu qiyaaso laguna falanqeeyo maskxada qofka iyo sida ay suurtagal u tahay inuu fahmo ugana jawaabo weydiimaha degdeg ah.

 

Imtixaankii ugu horeeyay ee ee lagu qiyaasayay IQ waxa laga sameeyay dalka China sida la sheego iyadoo halkaasi lagu sameeyay imtixaan laga qaaday heerka IQ dad isu sharaxay maamulka dalka qarnigii 16aad.

 

Laakiin sida loo qiyaaso ayaa aad u kala duwan waxaana la sheegay inay ku kala duwan tahay jawaabaha qofka uu bixinayo marka uu haraadan yahay, daalan yahay ama murugo iyo ariimo kale haystaan, kuwaasi oo maskaxdiisa mashquul ku tahay.

Waxa kale oo la sheegay in dadka badankoodu ay yihiin kuwo isku dhow xagga fahamka iyo fikirka laakiin ay ku kala hor maraan dadaalka iyo juhdiga ay bixiyaan.

Leave a Reply