Mareegta Makes Me Think ee qoraalka sheekoyinka gaaban ku sameeyaan Mr.Mark iyo Angel ayay sheekadan lagu soo bandhigay :
Markii maanta aan doonayay inaan ku noqdo gurigayga waxaa soo da’ay roob weyn, laakiin waxaan la kulmay nin da’ ah oo sita dalaayad weyn, oo aanu isku dariiq noqonay. Dalaayadii ayuu iigu yeedhay inaan roobka ka wada galno, waana aanu is raacnay.
Markiii aanu meel dhexe marayno ayuu dalaayadii laalaabay, markaasi ayuu igu yidhi “ waan kan gurigaygii waana aan baydhayaa” , waxaan daremay niyad xumo, laakiin isla markiba wuxu igu yidhi : ” Hoo qaado adigu aniga gurigaygan ayaan gelayaa, hadda baahi iima hayso aniga, waxaana aan u laalaabay si aad u aragto, qaabkeed haddana kala furo”. Waxaan ku idhi Mahadsanid. Dareenkaaga naxariista ka shaqaysii wakhtiyada loo baahan yahay.