Ciidanka Booliska oo ka Hadlay Dambi Loo Haysto Nin la Magac ah Madaxweynaha

0
310

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha ciidanka booliska  Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay xadhiga nin ka tirsan maamulka dugsiyada Nuuradiin ee Hargeysa, kaas oo la xidhay kadib markii lagu  helay  in uu sheegtay magaca madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Cabdillaahi Fadal oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay xadhiga ninkan macalinka ah, ee lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sheegay in ninkaasi uu yahay dambiile, isla markaana uu sheegtay magac aanu lahayn.

 

“Qof waliba dambi wuu galaa, waxa caddeynaysa in uu dambi galay markii magaca Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee boolisku baadhistaa bilaabeen islamarkiiba wuu  bedalay, waxaanu ku bedeldday magaca Xaddi la yidhaahdo, taasina waxay tahay in ninkani uu sheegtay magac aanu laheyn, waxaana lagu eedeeyay sheegashada magac aanu lahayn, baadhistiisina waa ay socotaa,”ayuu yidhi Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal, oo shalay la hadlay warbaahintu.

 

Dhinaca kale mulkiilaha  dugsiyada Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed, ayaa isaguna ka hadlay xadhiga ninkan oo maamule ku xigeen ka ah dugsiga sare ee wiilasha ee Nuuradiin, waxaanu sheegay in ninkan magaca loogu bixiyay jaceylka madaxweynaha loo qabo dartii.waxaannu yidhi; “Ninka la xidhay maaha macalin oo kaliya waa maamule ku xigeenka qaybta inamada ee Nuuradiin, Magaciisuna waa Axmed Maxamed Maxamuud, ilaa yaraantiisiina waxaa la odhan jiray Siilaanyo, markay magacyada saddexda magac isaga eekaadeen madaxweynaha wakhtigii aynu joognay qaxoontiyada, kal gacal iyo jaceyl la jecel yahay uun baana Siilaanyo loogu bixiyay, magaciisuna waa Axmed Maxamed Maxamuud, waana maamule ku xigeenka dugsiga sare ee Nuuradiin, isaga oo hawlihiisa shaqo ku guda jira ayaana la soo qabtay, ciidanka nabadgelyada waddooyinka ayaana soo xidhay iyaga oo sheegay inuu been abuuray magaca madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, dhawr iyo toban sanno oo uu nala shaqeynayayna magacaasi uun buu sitay.”

“Madaxweyne, waxa ninkan macalinka ah ee laba kun iyo todoba boqol oo wiil maamule ku xigeenka u ah ilaa waligiiba la odhan jiray, kalgaceyl adiga lagu jecel yahay ayaa loogu bixiyay madaxweyne, magacana been abuur kamuu sameyn.  sida loo qabtayna waxa ay aheyd kadib markii uu lacag u diray ciidanka nabadgelyada waddooyinka waanay soo dacweeyeen sidaasi baana lagu xidhay,”ayuu yidhi Mahad Ibraahim.Geesta kalena, waxa xalay Dawan soo gaadhay in ninkaas la sii daayay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply