Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal uu ku Qiimaynayo Xaalada Abaaraha Iyo Sahaminta Shiidaalka ugu Kicitimay Bariga Dalka

0
295

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo wefti uu  hoggaaminayo, ayaa shalay socdaal shaqo  ku tagay  magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu  ka furi doono  mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay gobolkaas, waxaanu madaxweynuhu safarkiisan ku  dersi doonaa xaaladda adag ee abaaraha iyo  hawsha sahaminta shiidaalka ee ka bilaabmay gobollada Togdheer iyo Saraar.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo  iyo weftigiisa,    waxa lagu soo dhaweeyay degaanada u dhaxeeya   magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera. Waxaa si diiran u qaabilay   masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo maamulka dekeda Berbera iyo dadweyne tiro badan oo niyadsami ku soo dhaweeyay weftiga, kuwaasi oo tubnaa jidka labadiisa dhinac.

Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland, Eng.   Xuseen Aadan Cigge (Deyr) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera,   ayaa sheegay in  madaxweynuhu   xadhiga ka jari doono mashaariico laga hirgaliyay magaalada Sabtida maanta, isla  markaana uu u  kuurgeli doono sida ay tahay nolosha bulshada abaarta adagi ku laxaadsatay. “Madaxweynuhu caawa(xalay), u hoyday  magaalada Berbera,  safarka madaxweynuhu wuxuu la xidhiidhaa indho-indheyn iyo xogogaal u noqashada hawlaha qaranka.  waxa madaxweynuhu Sabtida maanta xadhiga ka jari doonaa  mashaariic horumarineed oo laga fuliyay magaalada Berbera. Waxa kaloo uu dhagax-dhigi doonaa mashaariic kale oo laga sameyn doono gobolka Saaxil. Waxaanu uga sii gudbi doonaa Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu   soo dersi doonaa hanaanka sahaminta shiidaalka ee ka socota degaanno ku yaalla Togdheer, “Waxa kaloo  madaxweynuhu u kuurgeli doonaa sahaminta shiidaalka iyo guud ahaan nolosha bulshada ee dhinacyada  abaaraha iyo nabadgelyada.  Waxaanu madaxweynuhu mari doonaa gobollada Saaxil iyo Togdheer,”ayuu yidhi Afhayeenku. Waxa  la filayaa in weftiga madaxweynuhu ay booqan doonaan gobolka Saraar.

Waxa  madaxweynaha  booqashadan ku weheliya Marwada koowaad ee Somaliland,  Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirrada wasaaradaha  Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Arrimaha Gudaha Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, degaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandarre, Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, Xanaannada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta Baashe Cawil Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha dawladda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply