Hurdadu waa siraha nolosha ee aan weli si fiican loo fahmin, waxaana cilmigu isku mashquuliyay su’aasha ah muxuu aadamigu uga baahan yahay hurdada miyaanuse ka maarmi Karin? Taasin weli si fiican looma ogaan.
Haddaba waxa jirta arimoo yaab leh oo aan ilaa hadda iyagana aan la ogayn waxa sababaya, taasi oo ah in dadka qaarkood ay sameeyaan arimo halis oo xataa dil gaadhsiisan iyagoo hurdda.
Tusaale ahaan dalka Kanada sanadkii 1987 waxa ka dhacay arin yaab leh , ka dib markii isaga oo hurda uu nin kaxaystay gaadhigiisa, ka dibna tegay guriga gabadhiisa qoyskooda oo uu dilay islaantii sodahda u ahayd , odaygeedana uu ku dhaawacay mindi. Ninkaasi ayaa intaasi ka dib u tegay booliiska oo arinkaasi gaadhsiyay. Waxaan ay noqotay arin yaab leh.