Deegaanka Aamusan: Mapimí Silent Zone

0
328

Dunidan waxa ka buuxa arriimo badan oo qarsoon oo aan weli la fahmin, inkasta oo horumarka aqoonta cilmiga saynisku uu gaadhay meel sare, isla markaana la daah furay arriimo badan oo ku jira badaha hoostooda iyo hawada sare.    Haddana arimaha aan weli la fahmin ee dhulka guudkiisa ah waxa ka mid deegaanka loo yaqaan “Mapimí Silent Zone” ( Deegaanka Aamusan) kaasi oo ugu caansan goobaha dhulka ku yaalla ee ka baxsan qawaaniinta nolosha caadiga ah.

Goobtan ayaa ku taalla saxaaraha Mapimi ee ku yaal waqooyiga Mexsico, waa goob cajiib ah oo aanay ka shaqayn isgaadhsiinta oo dhami Telefishinka, Mobileka, Raadiyaha iyo xataa qalabka GBS iyo qalabka dayax gacmeedka, sidaasi ayaana loogu bixiyay deegaanka aamusan.

Waa goob lagu arkay dhamaan ariimo yaab leh inkasta oo ay  iyadu berriga ku taallo haddana dhinaca khad ahaan waxay isku began yihiin deegaanka Bermuda oo iyadu caan ah.

Arimaha yaabka leh ee lagu arkay waxa ka mid ah iyagoo xayawaanku halkaasi ay si jamaaci ah ugu dhintaan iyadoo aanay muuqan wax sababay, waxase iyana ka sii yaabisay markii ay arkeen in xayawaanka dhintay xataa bakhtigooda aanay cunin shimbiruhu sida gorgorka iwm. Cilmi baadhayaasha goobtan wax laga weydiiyay ayaa yidhi “ Halkan telefoon ma dhaco, Radio ma dhegaysan kartid, Tv ma daawan kartid, waa deegaan yaab leh oo aamusan”.

 

Leave a Reply