Dhismaha Caalamka Ugu Yaabka Badan Oo Laga Dhisay Magaalada New York

0
282

Iyada oo caalamku ku tartamaayo dhanka dhismeyaasha soo jiidashada leh ee qaababka kala duwan loo dhisaayo ayaa waxa magaalada New York ee wadanka Maraykanka laga dhisay gurigii ugu cajiibsanaa  caalamka, kaas oo loo dhisay qaab cusub oo aan hore loo dhisin.

Gurigan ayaa ah mid aad u dheer oo ka dheer guryo badan oo caalamka ah, iyada oo loo dhisay sida xarafka U oo kale, waxaanu noqday dhisme aad uga dhex muuqda magaalada New York marka la dhex taagan yahay.

Koox khubaro ah oo dhanka dhismaha ah ayaa isugu tagtay gurigaasi dhismihiisa, iyaga oo sheegay mar ay waraysi siiyeen wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan inay awoodaan inay sameeyaan dhismeyaasha ugu fiican uguna quruxda badan caalamka.

Dherarka gurigan ayaa ah  1219 meter, isaga oo yeelanaaya wiishash kala duwan oo dadka ka caawinaaya inay tagaan hadba meesha ay dhismahan uga baahdaan, waxa kale oo loo samaynayaa qayb sare oo u fududaynaysa dadka inay dul mari karaan ama dul socon karaan dhismahan.

Kooxda qaabkan ikhtiraacday ayaa sheegtay in ay dhibaato badan kala kulmeen qaabeynta dhismahan , iyaga oo dhawr jeer bedelay qaabkiisa dhismaha oo ay wax ka bedeleen.

Dhismahan ayaa noqonaaya dhismihii ugu caalamisanaa uguna dheeraa ee caalamka kusoo kordha , iyada oo uu noqonaayo mid loo dalxiis tago.

Leave a Reply