Taareenkii Ugu Weynaa Caalamka Oo Shaqadiisa Bilaabay

0
259

Wadanka Japan ayaa soo saaray tareen cusub oo nooca raaxada ah, kaas oo noqday tareenkii ugu weynaa ee ka shaqeeya caalamka, waxaana lagu magcaabaa Tareenkaasi Shiki-Shima, isaga oo socdaalkiisii ugu horeeyey ka bilaabay wadankaasi Japan dhexdiisa.

Tareenkan ayaa leh qolal kala duwan oo kuwa raaxadda ah, waxa kale oo uu lee yahay meelo fadhiyo ah, waxaana dhexdiisa lagu sameeyey suuliyo hab casri ah loo sameeyey  iyo goobo cunto, waxaana farshaxameeyey qaabka tareenkan Kiyoyuki Okoyama oo sameeyey inta badan farshaxamada ay ku shaqeeyaan shirkaddo caalami ahi, sida Porsche,Ferrari iyo Maserati .

Waxaana shaqadiisa  bilaabay shirkadda lagu magcaabo East Japan Railway, kuwaas oo markii ugu horeysay ku qaaday kuna marti qaaday  kooxo sawir qaadeyaal iyo saxafiyiin ah , iyaga oo sheegay inay tareenkan ugu talo galeen inuu u kala goosho wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Tareenkan ayaa qaadaya 34 qof oo keliyaata, iyada oo dadka raacayaa ay toddobaad ka hor isa sii diwaangelinayaan si ay tareenkaasi uga helaan meel, waxaanu tareenku dadkaasi sidayaa hal ilaa saddex habeen oo uu geynaayo meelaha ay u baahan yihiin.

Tareenkan ayaa ka kooban  ilaa 10 qol oo kuwa raaxada ah  iyo 17 hudheel oo casri ah, isaga oo sidoo kalena leh qolal fadhi  iyo meelo meheraddo ah, waxa kale oo uu lee yahay meelo la furaayo oo dadku ka laydhsan karaan.

Dadkan rakaabka ah ayaa sidoo kale qof waliba lee yahay qolal fadhi iyo hurdo oo u gaar ah, waxaanu qofku ugu noolaanayaa qolkiisa hab xor ah, waxa kale oo saaran shaqaale kala duwan oo u shaqaynaaya dadka saaran tareenkaasi,sida lagu daabacay  wargeyska Tokyo Times oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay warbixintan .

Waxaan dusha sare iyo gudaha lagaga qurxiyey tareenkan midabyo kala duwan oo dahabi u badan, iyada oo kaadhka lagu raacaayo ee labada cisho ahi yahay 320,000 oo yen ,iyada oo la filaayo inuu intaasi kasii qaaliyoobo.

 

 

Leave a Reply