Booliska Togdheer oo Beeniyay In Bandoo Lagu Soo Rogay Burco

0
261

Burco(Dawan)-Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Cabdi Muuse  Cabdilaahi,ayaa waxba  kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in magaalada Burco ay Bandoo ku soo rogeen. waxa kaloo  uu sheegay in ay shaqadii ciidanka booliska ee caadiga ahayd in ay wataan kuna jiraan isla markaana ay ammaanka magaalada iyo ka  gobolkaba si wanaagsan uga hawl gelayaan xaaladuna ay nabad gelyo tahay.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu xalay khadka taleefanka ugu warramay wargayska Dawan.

Taliyaha oo la waydiiyay  hawlgallada ay  ka wadaan gudaha magaalada Burco iyo in ay bandoo magaalada ku soo rogeen,waxaanu yidhi, ”Horta  wax bandoo ah oo magaalada lagu soo rogay ma jirto xaaladuna waa nabadgelyo ciidanka booliskuna waxa kaliya ee ay ka shaqaynayaan waa adkaynta nabad gelyda waxaanay ciidanku ku hawlan yihiin sidii ay dadweynuhu u heli lahaayeen  nabad gelyo buuxda oo ay ku noolaadaan taasina waa xilka ciidan ahaan  na saaran, waxaa ugu badan ee aanu la dagaalamaynaana waxay yihiin in aanu ka hor tagno in gobolka maandooriye la soo geliyo in dhalinyaro kooxo kooxo isku dila oo magaalada ka jira oo aanu ka hor tagno taasina waxay ka mid tahay  shaqada ciidana ahaan aanu u taaganahay laakiin marka ciidanku shaqadooda qabsadaanba haddii la yidhaahdo magaaladii ayaa ciidan lagu soo daayay iyo bandoo ayaa laga dhigay oo wabsaytyo waxaa qor qoraan sow uma digayaan cid kasta oo ciidanku qaban lahaa oo umay sheegin in la shaqaynayo,waxaan odhan lahaa warbaahntu nabad gelyada ha nagala shaqayso oo dhankooda  boolis  ha ka ahaadaan laakiin yaanay  warka sii gaadhsiin cid laga hawlgelayo.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu  intaa ku daray.”Dadweyaha Burco oo ah dad aad iyo aad u wanaagsan oo ciidankooda la shaqeeya waxaan leeyahay sida wanaagsan ee aad noola shaqaysaan noola shaqeeya oo ku xidhanaada ciidanka booliska soona war geliya wax kasta oo aad ka shakidaan,ciidanka booliskana waxaan leeyahay u dhego nuglaada warbixinta shaicibkiinu idiin keeno oo ka hawl gala markaynu ciidan iyo dadweyne isku duubnaano ee aynu wada shaqayno ayaynu ammaankeena sugi karnaa oo aynu ka adkaan karnaa cid kasta oo nabad gelyadeena duulaan ku ah,dhalinyarada innaga ayaa waalidiin u ah ee dhaqanka wanaasan aynu ku ilaalino oo aynu ka hor tagno wax kasta oo waxyeelo u keeni kara naftooda iyo diintoodaba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply