Wasiiru-dawlaha Nabadaynta oo Naqdiyay Siyaasiyiin Diidan Wadahadalka Somaliland Iyo Khaatumo

0
304

Laascaanood (Dawan)- Wasiiru-dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobollada barri ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar), ayaa ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Sool, waxaanu si adag ugu jawaabay siyaasiyiin dhaliil u jeediyay wadahadalka Somaliland iyo maamulka Khaatumo.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay qaar ka mid ah warbaahinta, kadib markii ka soo laabtay safar shaqo oo ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanu faahfaahin dheeraad ah kaga bixiyay halka uu marayo wada-hadalka u dhexeeya xukuumada Somaliland iyo Khaatumo.

Wasiir Gargaar isaga oo ka jawaabayay dhaliilo ay siyaasiin ka soo jeeda gobolka Sool u jeediyeen wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo, waxa uu yidhi “Dhaliishaas maaha mid sax ah, isla markaana aanay jirin xili ka macquulsan wakhtigan oo dadka la isugu soo ururiyo,  in dadkan iyo dalkan ciddii wax tabanaysa ama Khaatumo ha ahaato ama cid kale ha ahaate in la urruuriyo waa waajibaad saarran Xukuumadda, iyada oo xukuumadu horrey uga hawlgashay wax ka qabashada tabashooyin horre sida tii Galbeedka iyo Boorame tan Khaatumana ay kuwaas la mid tahay, hadana halkii ugu wanaagsanayd ay marrayso, madaxwaynuhuna go’aan ayuu ku gaadhay dhaxalkiisa ayayna ka midtahay isagoo wax badan ka tagaya dalkan iyo dadkan oo midaysan cidina waxba tabanayn inuu xilka ka dego.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ka xukuumad ahaan ay shaqadoodu tahay fulinta go’aamada iyo soo jeedinta madaxwaynaha, taasina ay waajib ku tahay inay taageeraan wada-hadaladaas iyo dadaalada kale ee madaxwaynuhu ku turxaan bixinayo dadkiisa.

“Xukuumada waxa ka go’an in nabad waarta la dhex dhigo beelaha koonfurta gobolka Sool oo muddo colaad soo jiitamaysay u dhaxaysay, taas oo waqtigan meel wanaagsan marraysa, waxaana ku qabanay magaalada Laascaanood shirar kala duwan, kuwaasi oo aanu la yeelanay waxgaradka labada reer iyo culumada gobolka ee ku guda jirra hawlaha nabadeed ee labadaa beelood, waxaanuna si wadajir ah iskula qaadanay in la sii wado dadaaladaas nabadeed. ka xukuumad ahaan ay naga go’antahay in aanu doorkayga ka qaadano sidii nabadaas loo xidhi lahaa,” ayuu yidhi wasiiru-dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada barri ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Xuseen Carab (Gargaar).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply