Laba Hablood oo ku Geeriyooday Dooxa Aw Barkhadle oo Qaaday Gaadhi ay Wateen

0
292

Hargeysa(Dawan)- ALLE ha u naxariistee laba hablood oo walaalo ah ayaa ku geriyooday shalay gallinkii dambe ka dib markii uu qaaday daad xoog wayn oo ka soo rogmaday Togga   Aw  Barkhadle oo ay ku soo dheceen isagoo daadku  rogmanayo, ka dibna uu qaaday baabuur Surf ah oo ay wateen.

waxa dhacdadan Dawan uga waramay  Guddoomiyaha Beeralayda magaalada Aw Barkhadle oo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii gurmadka ka galay masiibadan laakiin aanay u suura gelin in ay hablaha nolol ku helaan.

“Toggu si xawli ah oo xoog badan ayuu u socday marba  marka ka sii dambaysana way  soo kordhayeen biyaha marayaa  raggii dhallinyarada ahaa ee dabbaasha yaqaanay ee magaalada oo dhanna way isugu yimaadeen waanay u gurmadeen laakiin qadar ayaa dhacay oo may suura galin in ay  hablaha nolol ku helaan. Waxaa kale oo dhacday in labada  hablood ee walaalaha ah ee gaadhiga watay in mid ahaan meydkeedii aanu waynay oo wali aanu raadinayno,waxaana imika laga  baadigoobayaa Xumbo wayne oo noo jrta qiyaas ahaan illaa Shan KM waxaana ku maqan imika halkaa oo baadigoobkaa ku jira Guddoomiyaha magaalada Aw Barkhadle  iyo cidanka booliska iyo dadweyne kale,”ayuu yidhi  Cabdinaasir Shire Diiriye Guddoomiyaha beeralayda Aw Barkhadle.

Labada hablood ee gaadhiga Surf-ta ah watay ee uu shalay la tegay dooxa Aw Barkhadle ee mid ahaan la raadinayo,ayay magacyadoodu kala yihiin.Foosiya Maxamed Yuusuf iyo Asma Maxamed Yuusuf.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply