Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa xukuno xabsi ah ku ridey 56 qof oo lagu qaaday kiis ah in ay ku lug lahaayeen dooni la gaddoontay muhaajiriin oo ay ku naf waayeen 200 oo qof bishii sebtenbar.
Waxaa dadkaasi lagu xukumay ilaa iyo 14 sano oo xadhig ah markii lagu helay denbiyada ah dil, xasuuq iyo dayacaad.
Doonta ayaa u goosheysay Talyaaniga markii ay ku degtay meel 8 meyl u jirta magaalada dalka Masar ee Rosetta.
Waxaa la qiyaasayaa in ay ilaa 450 muhaajir saaraayeen doonta oo la buux dhaafiyay iyada oo ilaa boqol qof oo ku jirey khanka hoosena halkaasi ku haligmeen.
Waxa kale oo jirey 163 qof oo badbaaday oo u badnaa masaari, suuriyaan, Ereteriyaan iyo Soomaali iyana la socdey doonta.
.