Toogasho ka Dhacday Goob lagu Caweeyo

0
292

Masuuliyiin ku sugan magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof la toogtay, kuwaas oo qof ka mid ahaa uu dhintay, ka dib markii habeen hore  rasaas lagu furay xarun lagu caweeyo oo dad badani ku sugnaayeen.

Sarkaal boolisa ayaa sheegay in waxa ka dhacay goobtan lagu caweeyo ay masiibo ahayd.

Sarkaalka ayaa sheegay in boqollaal qof ay goobta ku sugnaayeen marka rasaasta lagu furay xaruntan lagu caweeyo ee ku taalla gobolka Ohio.

Sarkaalka ayaa sheegaya in muran dhexmarey rag ku sugnaa goobtu uu sababay rasaasta. Ninka dhintay ayaa ahaa 27 jir.

Qof hubeysan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay toogashadan ka dhacday Kalaabka lagu caweeyo ay xiligaasi ku sugnaayeen dad badan , waxaana baxsaday oo baadi goob loogu jiraa qof la tuhmayo in uu weerarkaasi fuliyay.

Haweeney u hadashay booliiska ayaa sheegtay in ay hada socdaan baadhitaano ay wadaan ciidanka dambi baadhista.

Dalka Mareykanka waxaa marar badan ka dhacay toogasho loo geystay dad ku sugnaa goobo lagu caweeyo, waxaana weerarada qaar horey u fuliyay kooxo la sheegay in ay xadhiidh la leeyihiin kooxda Daacish.

 

Leave a Reply