Tirada Dad u Dhintay Shuban ka Dilaacay Degmada Daroor

0
348

Hargeysa (Dawan)- 48-kii Saacadood ee la soo dhaafay  8 qof ayaa  shuban Biyood ugu dhintay tuullada Sheekh Yoonis ee ka tirsan degmada Daroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida uu  wargeyska The Horn Tribune oo ah mataanta Wargeyska Dawan u xaqiijiyay Suldaan Axmed Cismaan (Caddo-gude).

Dadka shuban biyoodka u dhintay waxay  iskugu jireen 6 carruur ah iyo 2 qof oo waaweyn,  waxaanu Suldaanku ku tilmaamay xanuunkani gaadhay heerkii ugu xumaa, isla markaana ay u jiifaan dad ka badan boqol qof tuulladaas iyo guud ahaan degmada Daroor, waxaanu yidhi; “Sida la iigu xaqiijiyay khadka Telefoonka waxa tuulada Sheekh Yoonis ee degmada Daroor 48-kii saacadood ee la soo dhaafay shuban ka dilaacay ugu dhintay 8 qof, kuwaasi oo laba qof ahaayeen dad waaweyn, halka lixda kalena ahaayeen caruur yaryar. Waxay caddeysnaysaa sida xad ka baxa ah ee  fiditaanka xanuunkaasi u  socdo.”

“Tuuladan goobtan caafimaad ee laga sameeyay waa mid cusub oo loogu talogalay in dadka lagu daweeyo, waana deegaankii laga dhisay ceel-biyoodkii Riiga ahaa ee dawlad deegaanku ka dhistay jiidaas oo aad loogaga raystay biyo la’aantii jirtay,”ayuu yidhi Suldaan Caddogude oo  soo booqday xarunta Dawan Media Group.

 

Suldaanka oo  ka hadlayay dadkii hore ugu dhintay xanuunkan, waxa uu  yidhi; “Waxa dhawaan xanuunkan u dhintay dhawr iyo toban qof oo hore, halka degmada Daroor iyo tuullooyinkeedaba  uu shubankani soo ritay dad ka badan boqol qof. Xukuumadda Itoobiya way dedaashay oo waxay qaaday gurmad weyn  hase yeeshee xawliga uu xannuunkani u fidayo ayaa ah mid la yaable oo xadhkaha goostay. Waxay Itoobiya samaysay goobo dadka lagu daweynayo laakiin waa xaalad walaac leh.”

Suldaanka oo la weydiiyay in la xidhay xadka Itoobiya ee dhinaca Daroor, waxa uu sheegay inaanay arrintaasi jirin, isla markaana  ay xaaladu u baahan tahay in la sii xoojiyo ololaha daweynta xanuunkan.

Suldaan Caddo-gude, waxa uu  xukuumadda Somaliland u soo jeediyay  inay  samayso  kooxo caafimaad oo laga hawlgeliyo deegaannada xaduudka ku teedsan, waxaanu yidhi,”Waxa xukuumadda Somaliland looga baahan yahay inay isha ku hayso oo ay kooxo caafimaad geyso deegaannada xadka labada dal, si looga hortago in xanuunkan abaaraha ba’an ka dhashay aanu ugu soo gudbin Somaliland, haddii loo baahdana ay gurmad caafimaad u sameeyaan dadka shubanku soo ritay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply