Bakistan oo Dhisme Gidaar ka Bilowday Xuduudda ay la Wadaagto Afganistan

0
308

Bakistan ayaa sheegtay in ay bilowday dhisida derbi ku teedsan soohdinta ay la wadaagto Afganistan, si ay u adkeyso ammaanka dalkeeda.

Taliyaha ciidanka bakistan, Jenaraal Qamar Javed Bajwa, ayaa sheegay in dhismaha ay ka billaabeen deegaannada qabaa’ilka, gaar ahaan degmooyinka Mohmand iyo Bajaur, kuwaasoo uu sheegay in ay u nugul yihiin weerarrada ay mintidiinta kasoo qaadaan gudaha Afghanistan.

Waa markii ugu horeysay ee ay Bakistan xaqiijiso in ay bilowday dhismaha gidaarka muranka dhaliyay ee soohdinta ay la wadaagto Afghanistan.

Dhismaha gidaarkaasi iyo ilaalintiisa ayaa la filayaa in aanay fududaan doonin.

Soohdinta labadaasi dal ayaa dherarkeedu dhan yahay 2,500 oo kilo mitir, waxaana ku teedsan dhul buuraley u badan oo eero go’an ah.

Bakistan ayaa bilihii dambe waxay wajahaysay weerarro ay fuliyeen kooxo mintidiin ah, waxaana ay Afghanistan ku eedaysay in ay gabbaad siiyay kuwa ka dambeeyay weerarradaasi.

Xukuumadda Islamabad oo ka jawaabaysa weerarrada lagu soo qaaday, ayaa dhawaan muddo todobaadyo ah xidhay soohdinta.

Afghanistan ayaa beenisay in ay wax xidhiidh ah la leedahay kooxahaasi, waxaana ay intaa ku dartay in gidaarka aanu waxba ka tari doonin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

 

Leave a Reply