Duufaan ku Dhufatay Australiya

0
297

Duufaan loogu magac daray Debbie ayaa ku dhufatay dhulka berriga ah ee waqooyiga bari ee Australiya, iyadoo wadata roob iyo dabayl saacaddii ku socota ilaa 270 KM.

Maamulayaasha gobolka Queensland ayaa sheegay in ubucda duufaanta ay haleeshay meel u dhaxaysa magaalooyinka Bowen iyo Airlie Beach, ka dib markii ay soo garaacday jasiirado xeebta u dhow.

Wariyeyaal jooga Bowen waxay sheegeen in jajab badan oo dabayshu waddo uu duulayo waddooyinka laga kala cararay , xarkihii korantadana ay go’een.

Duufaanta ayaa lagu wadaa inay sii socoto 24 saacadood.

Haweeneyda madaxda ka ah Queensland Annastacia Palaszczuk ayaa ku tilmaantay duufaantaas “mid weyn”.

 

 

 

Leave a Reply