Qosolku wuxuu jirka bini’aadanku u taraa faa’idooyin badan oo aan la soo koobi karin, qoraallo iyo diraasado kala duwan oo laga sameeyay saameynta qosolku uu ku leyahay jirka bini’aadanka, waxay tilmaameen in qosolka uu qeyb weyn ka yahay daawenta cudurro dhowr ah.
Baadhitaanadaas dartood waxaa soo baxay dhakhaatiir wadata taqasus la yidhaahdo “Laughter Therapist”, waana taqasus ka sii farcamo cudurrada psychology-ga.
dakhaatiirta qaar waxay aaminsan yihiin in qosolka uu la mid yahay jimicsiga xaga faa’ido ahaan.
Haddii aan soo koobo faa’idooyinka uu leeyahay, qosolku wuxuu ka shaqaysiiyaa murqaha wejiga oo idil iyo murqaha jidhka qeybo badan oo ka mid ah, maxaa yeelay ma jiro qof wajiga kaliya ka qoslo, taas waxay keentaa in wadnaha uu aad u garaacmo, qofkane aad u neefsado, sidaasne jidhka uu ku helo oksajiin badan.
Weliba waxay takhaatiirta arkeen qofka markuu qoslayo gacmaha kor u qaada inuu ka qaadasho oksajiin badan yahay qofka aan gacmaha dhaqdhaqaajin.
Waxay tijaabiyeen qosolka inta jeer uu wadnaha garaaciisa gaarsiinayo si dhiigga kor ugu kaco, neefsashadane u siyaadiyo, waxay arkeen inay u dhiganto qofka oo ku jimicsada mashiinka treadmillka 10 daqiiqo, faaidadii uu wadnaha ka heli lahaa in hal qosol uu ku filan yahay, qosolkaasne waxaa loo yaqaanaa ” Hearty laughter”.
Cilmi-baadhe kale wuxuu sheegay hadduu qofka uu qoslo muddo 10 daqiiqo ah in uu jirkiisa gubayo 50 calories, taasoo jirka siisa energy fiican.
Cilmi-baadhayeel maraykan ah waxay tijaabiyeen saameynta qosolka uu ku leeyahay xididada jirka iyagoo labo koox u qeybiyay dadka la baarayay, kooxba ay daawadeen filin qosol leh, kooxda kalane ay daawadeen filin murugo leh, kadib baadhitaano lagu sameeyay waxaa lagu arkay in dadka daawaday comedy-ga xididadooda ay dabacsanaayeen oo qulqulka dhiiga gaadhaya jidhka qeybihiisa kala duwan uu ahaa sidii la rabay.
Dadka qaba xanuunada lafdhabarta gala oo joogtada ah, waxaa la arkay in qosolka uu daawo u yahay, oo habeenkii hurdo fiican heli kara haddii ay qoslaan iyagoo fiirsada filin qosol leh ama wax qosol leh looga sheekeeyo.
Baadhis kale oo lagu sameeyay qosolka saameynta uu ku leeyahay dadka sokorta qaba, waxaa la arkay in dadka badanaa qosla in sokortooda ay ka kontarooli fiican tahay dadka murugooda badanaa.
Cilmi baadhayaal kale waxay soo daabaceen warbixin sheegaysa iyo qosolka uu sare u qaado xasuusta welib mideeda dhow, si sahlane wax u soo xasuusan karo hadii loo eego qofka murugeysa.
Haddii dhinaca nafsiyan laga eego, faa’idada qosolka mid la soo koobi karo maahan, maxaa yeelay waxaa la arkay dadka qosla badanaa waa dad furfuran oo noloshooda aysan u badnayn fakar iyo welwel, taasoo ka badbaadinaysa cudurka niyad jabka iyo diiqada, iyadoo dheecaanada jidhka faa’idada ugu jira sare u qaado, kana badbaada, dhiigkarka, sonkorowga, wadna xanuunka, faaliga, gaaska iyo xanuuno kale uu keeno stress-ka.
Dhinaca kale qofka qosolka badan oo bashaashka ah, waxay cilmi-baadhayaasha sheegeen in dhakhso calaamadaha gabowga aysan ka soo muuqan shardi hadduu uusan ahayn qof isticmaala mukhadaraatka, khamriga iyo sigaarka intaba.
Sidaa darteed qosolka halagu dadaalo, horayba waxaa loo yidhi:” qosolku waa daawada ugu wanaagsan”.
Xigasho: somalidoc.com