Afada Madaxweyne Hore oo Dacwad lagu soo Oogay lagu Waayey

0
283

Maxkamad ku taal dalka Ivory Coast ayaa ku weydey dambiyo laga galay aadamenimada oo lagu soo eedeeyey afada madaxweynihii hore ee dalkaas, Simone Gbagbo.

Eedaha lagu soo oogay waxay la xidhiidheen qalalaasihii ka dhacay dalka markii ninkeedu diiday in uu aqbalo natiijada doorashadii madaxtinimo ee 2010 ee lagu doortay Alassane Ouattara.

Garsooreyaashii maxkamadda intoodii badnayd ayaa buriyey dooddii dacwad oogaha oo ahayd in Simone Gbagbo oo 67 jir ahi ay gudoominaysay urur sir ah oo isku dayey in ay hub soo iibsadaan markii rabshaduhu socdeen.

Laakiin waxa ay xabsiga haatan ugu jirtaa xukun hore ugu dhacay oo ah 20 sannadood oo xadhig ah ka dib markii lagu helay in ay nabadgelyada qaranka khalkhal gelisay.

Ivory Coast ayaa diiday in ay haweenaydan u dhiibto Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah (ICC) ee ku taal Hague, halkaas oo saygeedii Laurent Gbagbo dacwad ah inuu galay dambiyo aadamenimada ka dhan ahi kaga socoto.

Laurent iyo Simone Gbagbo waxa la qabtay sannadkii 2011 ka dib markii ciidamo xoog ku galeen khanka hoose ee guri ku yaal magaalda Abijan oo labadoodaba laga soo xidhay.

 

 

 

Leave a Reply