Nin la Waayay oo Meydkiisa laga Helay Caloosha Jebiso liqday

0
274

Maydka nin u dhashay dalka Indonesiya oo la waayay ayaa laga helay caloosha jebiso liqday, sida uu sheegay booliska.

Akbar oo ku noolaa jasiiradda Sulawesi, ayaa la waayay Axaddii.

Mas’uul ka tirsan booliska Indonesiya ayaa BBC-da u sheegay in intii lagu guda jiray baadigoobka ninkan 25 sano jirka ahaa, la arkay jebiso wayn oo ay tuhmeen inay liqday ninka.

Jebisada oo dhererkeedu uu gaadhayay 7 mitir ayaa caloosheeda la dilaaciyay, waxaana halkaa laga soo saaray meydka ninkaasi.

waa naadir in jebiso ay disho islamarkaana cunto bani’aadamka,haseyeeshee waxa mararka qaarkood la soo weriyaa in jebiso liqdey xayawaan sida eyda iyo dubbaha.

Dadka deegaanka ayaa booliska u sheegay in Akbar uu maqnaa muddo 24 saacadood ah.

” Waa la raadiyay balse waa la waayay Akbar. Dadka deegaanka ayaa arkay jebiso aan dhaqaaqeyn oo god ku jirto. Waxayna tuhmeen inay liqday ninka la raadinayo,” ayuu yidhi Mashura oo ka tirsan booliska.

 

Leave a Reply