Xildhibaan Shacabka Togdheer ku Bogaadiyay Tirada Codbixiyeyaasha Iska Diwaan-geliyay Gobolka

0
269

Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan  Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah Golaha deegaanka degmada Burco,  ayaa shacabka gobolka Togdheer ugu hambalyeey najiitadii midho dhalka ahayd ee ay ka soo hooyeen diwaangalintii codbixiyaasha ee ka dhacdey guud ahaana dalka gaar ahaana gobolkaas.

Xildhibaanku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu na soo gaadhsiiyay oo u qornaa sidan:- waxaan  bogaadinayaa bulshada gobolka Togdheer sidey isu diwaan galisay tiradooda iyo codkoodana  u muujiyeen  waxaan xooga saaray oo aan dadka ku wacyigalinay inay is diwaan galiyaan oo ay qaataan kaadhdhka diwaangalinta iyadoo lagu jiro xaalad adag oo abaareed haddana dadku wey is diwaan galiyeen iyadoo gobolka Todheerna ahaa gobolkii ugu horeeyey lagu bilaabay diwaan galinta dadka xariirta ah ee gobolka togdheer waxay muujiyeen misayl muwaadino.”

Waxaan bogaadhiyaa Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Maxamed  Qabyotire oo haddana ah Wasiirka Qorsheynta oo kaalin muuqata ka qaatay in bulshada togdheer is diwaangaliso oo cududeeda muujiyo dedaalkaa uu kageystay kaalinta diwaangalinta waa mid taariikhdu xusi doonto.

waxaan hambalyeynayaa khudbadii madaxweynaha qaranku ka jeediyey madashii shiidaal baadhista waxay ahayd khudbad qiimo badan oo ay ka muuqato waayo aragnimo siyaasadeed, madaxweynuhu wuxuu een muujiyey sida aanu raalida uga ahayn muddo kordhintii loo sameeyey xukuumadiisa iyo golayaasha qaranka taas oo muujinaysa siduu daacada uga yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda wuxuuna soo bandhigay rugcadaanimo siyaasadeed waanan ku bogaadinayaa madaxweynaha qaranka khudbadaa taariikhda gashay.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply