Baarlamaanka Scotland oo Taageeray Afti Madaxbanaanaanayaan Ingiriiska

0
279

Baarlamaanka ayaa taageeray Baaqii Nicola Sturgeon oo ah wasiiradda 1aad ee Scotland, ee ahaa in la qabto afti labaad oo ku saabsan madax banaanida Scotland.

Xildhibaannada ayaa ku taageeray 69 ogolaatay iyo 59 diidday in afti la qabto ka hor inta UK aysan ka bixin midowga yurub.

Ms Sturgeon waxay sheegtay in tallaabada loo baahday si reer Scotland loogu ogolaado inay go’aansadaan waddadii ay mari lahaayeen markii Britain ay go’aansatay ka bixidda midowga Yurub.

Laakinse xukuumadda UK waxay hore u sheegtay inay is hor taagi doonto aftida ilaa iyo laga gaadhayo wixii ka dambeeya qorshaha ka bixidda midowga.

Ra’iisul wasaare Theresa May oo Ms Sturgeon kula kulantay Glasgow Isniintii ayaa mar kale tidhi ayadoo ku adkaysanaysa “hadda ma aha wakhtigii” aftida.

Xoghayaheeda arrimaha Scotland, David Mundell, ayaa sheegay in jadwalka aan lagu dari Karin inta uu ka dhamaanayo hanaanka ay Britain kaga baxayso midowga Yurub.

Laakin Ms Sturgeon waxay sheegtay in hawsha loo igmaday ee ah codbixin kale ay tahay mid aan su’aal la gelin karin, waxayna intaa ku dartay in aysan doonayn inay isku dhacaan xukuumadda UK, balse ay doonayso wadaxaajood micne leh.

“Dadka Scotland waa inay helaan xaq ay ku kala doortaan Brexit (ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub) ama ay noqdaan dal madax banaan si aan mustaqbalkeenna u qorshaysanno, una abuurno iskaashi sinnaan ku dhisan oo jasaa’irkan dhex mara” ayey tidhi.

Waxay sheegtay in haddii madax banaani la doorto ay wadaxaajood niyadsami ku dhisan la gali doonto UK, ayna tanaasul diyaar u tahay. Haddii aan taa la dooranna waxay sheegtay in ciidda Easter-ka ka dib marka baarlamaanku soo laabto ay hor keeni doonto talaabooyin hore loogu sii soconayo.

Doodda baaralamaanka Scotland ayaa bilaabatay todobaadkii hore, laakinse waxaa hakad la geliyey markii uu weerarku ka dhacay Westminster.

Qorshaha madaxbanaanida waxaa isla wada xisbiga MS Sturgeon ee laga tirada badan yahay ee SNP oo taageero ka helaya Scottish Greens, ayadoo xisbiyada Liberal democrats, muxaafidka iyo shaqaaluhu ay diiddan yihiin.

Leave a Reply