Somaliland oo ka Qaybgashay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Afrika iyo Jarmalka oo Baarliin ka Dhacay

0
288

Baarliin (Dawan)- Dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo ku qabsoomay dalka Jarmalka oo lagaga wada hadlayay iskaashiga iyo ganacsiga qaarada Afrika iyo dalka Jarmalka

Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaarada  Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka  Somaliland Guuled Maxamed Shire, xubnona ay ka yihiin  Xildhibaan Maxamed Cali Obama iyo Abaadir Ismaaciil oo ka mid ah La taliyeyaasha laamaha dawladda,ayaa ka qayb galay shirka iskaashiga iyo ganacsiga ee Afrika iyo Jarmalka oo ku qabsoomay magaalada Baarliin.

 

Shirkan oo diiradda lagu saarayey iskaashiga ganacsiga  Afrika iyo Jarmalka, sidii labada dhinac uga faa’iidaysan lahaayeen, iyada oo ergooyinka ka soo qayb galay falanqeeyeen sidii loo kordhin lahaa isla markaana loo samayn lahaa nidaam maalgalineed iyo ganacsi oo labada dhan dhex mara.

 

Shirkan iskaashiga ganacsi ee Afrika iyo Jarmalka oo ah shirkii u horreeyey ee lagaga hadlayey Ganacsi dhex mara qaarada Afrika iyo Jarmalka ee ka dhacay magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka ayay masuuliyiinta uga  qayb galay Somaliland waxay ka soo qayb galeyaasha u soo bandhigeen fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Somaliland yaalla

 

Wasiir ku-xigeenka oo ka hadlay shirka ay ka qayb galeen iyo waxyaabaha ay wufuuda u soo  bandhigeen ayaa ydihi “Waxaanu ku dedaalnay sidii aanu shirkan ka soo qayb galayaashiisa ugu bandhigi lahayn fursadaha dalka, waxaananu rejaynaynaa natiijo fiican inay inooga soo baxdo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply