Dil Sugayaal ka Cabanaya Dil

0
292

Maxaabiista dil sugeyaasha ah ee gobolka Arkansas ee Maraykanka ayaa ka dacwooday mowjado dilal ah oo aan hore loo sii qorshayn.

Badhasaabka gobolka Arkansas, Asa Hutchinson, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dhawaaqay in 8 maxbuus dil lagu fulin doono 10 maalmood gudahood bisha soo socota, sababtana waxaa lagu sheegay in mid ka mid ah dawooyinka dadka lagu dilo ee gobolkaas oo la yidhaahdo Midazolam ay dhacayso dhamaadka April.

Maxaabiistu waxay sheegeen in dilka la dedejinayo uusan siin doonin wakhti ku filan oo ay ku diyaarsadaan racfaankooda, uuna xadgudub u yahay shuruucda gobolka.

Waxay kaloo ka cabanayaan in dawada Midazolam aysan ahayn mid si dhamaystiran miyirka uga qaadaysa qofka, taasoo macnaheedu yahay inay xanuun badan dareemayaan.

 

 

Leave a Reply