Ra’isal wasaaraha Ingiriiska oo Saxeexday Warqadii ay kaga Baxayeen Midowga Yurub

0
289

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa saxeexday warqaddii sida rasmiga ah UK ay ugaga baxaysay Midowga Yurub.

Waxay ogaysiis rasmi ah oo waafaqsan qodobka 50-aad ee heshiiskii Lisbon, u gudbinaysay  madaxweynaha golaha Yurub, Donald Tusk, Arbacadii .

Warbixin ay siisay golaha baarlamanka Ingiriiska, ayey Ra’isal Wasaaruhu ugu sheegtay xildhibaannada in tallaabadani astaan u noqon doonto “wada jirka dalka”.

Arrintani waxay daba socotaa aftidii la qaaday bishii Juun ee sannadkii hore ee natiijadii ka soo baxday noqotay in dalku ka baxo Midowga Yurub.

Ra’isal Wasaaruhu waxa ay guddoomin doontaa kulan golaha wasiiradu yeelan doonaan subaxnimada ka dibna waxa ay warbixin ka horjeedin doontaa xildhibaannada oo ay ku wargelin doonto in ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub si rasmi ah u bilaabmay.

Wada hadallo Ingiriisku la yeelan doono Midowga Yurub ayaa la filayaa in ay bilaabmaan badhtamaha bisha May. Waxa aanay xukuumadda Ingiriisku sheegtay in ay doonayso in wadahadallada kala guurka iyo kuwa ganacsigu mar wada bilaabmaan, laakiin madaxda Midowga Yurub waxa ay sheegeen in labada arrimood yihiin laba aan shaqo isku lahayn oo mid ba gaar looga wada xaajoon doono.

 

Leave a Reply