Khubarrada Caafimaadka oo ka Digay Shaaha oo Laba Jeer la Kululeeyo

0
301

Khubarro u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa ka digay shaaha in la kululeeyo laba jeer, iyaga oo sheegay inuu keeno caafimaad daro  qofka ku keeni karta .

William Gorman oo u waramaayey wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan , ahna madaxa  ururka British Tea and Beverages ayaa sheegay in haddii uu qofku shaaha kululeeyo laba jeer ay keeni karto caafimaad daro, iyada oo ay meesha ka baxayaan Oxygen iyo Nitrogen tii biyaha ku jirtay, taasina ay waxyeelaynayso caafimaadka.

Waxaanu kula taliyey dadka in xalka keliyaata ee la heli karaa yahay , iyada oo la yar diiriyo shahaasi, waxaana dabka la saarayaa ayuu yidhi  15 ilaa 20 second oo keliyaata, si aanay uga bixin Oxygen iyo Nitrogen ta ku jirtaa.

Waxa kale oo uu soo jeediyey mr Gourman in lagu daro shaaha madow badan marka biyaha shaaha laga samaynaayo, iyada oo taas lafteedu ka qayb qaadan karto ilaalinta hawooyinkaasi.

Leave a Reply