Robot-yo Lix Jeer ka Shaqo Badan Dadka oo Dhismaha Loogu Talogalay oo Lasoo Saaray

0
286

Kooxo cilmibaadheyaal ah ayaa soo saaray qalab cusub oo noociisu yahay Robots- kaas oo awood u leh inuu dhiso guryahay, waxaanu shaqooyinka dadku qabtaan isagu qaban karaa inuu qabto lix jeer .

Waxaanay diyaarinayaan qalab kaasi qaabkiisii, iyada oo meelaha lagu dhisayo lagu bilaabaayo qaar kamid ah wadooyinka iyo dhismeyaasha wadanka Ingiriiska , waxaanay qaadan doontaa muddo laba sanno ah in lagu soo saaro qalabkan.

Qalabkan ayaa u samaysan sida dadka oo kale, iyada oo lagu magcaabo Mason, waxaana lagu naanaysaa Sam,isaga oo dhisi kara guryo dhan  ilaa 3000 oo guri maalintiiba, halka dadka dhismeyaasha ka shaqeeyaa dhisi karaan markay aadka u badan yihiin qalabkana isticmaalayaan hal ilaa laba guri toddobaadkii.

Qalabkan ayaa ku noqon doona khatar shaqooyinka dhismaha, sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan warbixintan kazoo xigtay, iyada oo ay ku shaqo waayi karaan dad aad u tiro badan oo ka shaqeeya dhismeyaasha.

Qalabkan waxa qaabeeyey shirkad ku taala magaalada New York ee wadanka Maraykanka, iyada oo in muddo ahna samayntiisa lagu hawlanaa, waxaanu noqday qalabkii ugu horeeyey ee ay muddo qaadato samayntiisu.

Qalabkan ayaa marka la sameeyo bilaabi doona shaqadiisa, iyada oo waxa keliyaata ee ay dadku qabanayaana noqon doonto inay eegaan ama kormeer ku sameeyaan siday hawlaha u wadaan, waxaanu sidoo kale samaysan karaa jaajuurka  lagu dhisaayo dhismaha , isaga oo qalabka dhismahana isticmaali kara.

“Qalabkani waxa uu qaban doonaa sida ugu dhakhsaha badan shaqooyinkii dadku qaban jireen, laakiin uu ka dhakhso badan yahay “. Waxa sidaas yidhi Richard Valentine oo ah la taliye dhismeyaasha ah.

Bishii june ee sannadkii 2015 kii ayay ahayd markii shirkad laga lee yahay Australia ay soo saartay Robot lagu magcaabi jiray Hadrian, kaas oo awood u lahaa inuu sameeyo ilaa 1000 jaajuur ah , sidoo kalena saacadiiba dhiso ilaa 150 guri.

Waxaana robot kaasi qaabeeyey nin lagu magcaabo Mark Bevac oo ah aas aasaha shirkadda soo saarida Robots ka ee Fastbrick Robotics.

 

Leave a Reply