Dawladda Somaliland oo ka Qaybgashay Shir ay Yeeshaan Dalalka Islaamka ah ee Afrika oo Lagu Qabtay Tanzania

0
324

Tanzania(Dawan)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wefti uu u Hoggaaminayay ayaa ka qaybgalay shirkii afraad ee dalalka islaamka ah ee Afrika ay yeeshaan oo ka qabsoomay dalka Tanzania oo lagu soo martiqaaday dawladda Somaliland.

 

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xalay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, waxa lagu sheegay in shirkan lagu faaqiday sidii waddamada Afrika ee islaamka ahi u dhiirigelin lahaayeen maalgelin ku dhisan nidaamka loo yaqaano (Islamic finance) iyo sidii loo fududeyn lahaa shuruucda baananka islaamka ee dalalkaasi.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen inta badan waddamada islaamka ah ee Afrika, waxa la soo weriyay in madaxdii ka hadashay uu ku jiray Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Kaaliyaha xafiiska Madaxweynaha Tanzanaia Mr.  Faustin  Kamuzora, Safiirka  Suudan u fadhiya  Tanzania Mahgoub Ahmed, Safiirka  Pakistan u jooga  Tanzania Mr. Amir Khan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda  Caymiska  Tanzania Mr.  Saqware. Waxaanay  dhammaantood ka warameen isla markaana si qotodheer u soo bandhigeen baahida loo qabo in la dardar geliyo baananka islaamiga ah.

“Waxaa xusid  mudan masuuliyiintii shirkaas ka qaybgashay  ay  soo jiidataymarkii  Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu ka hadlay   in Barlamaanka  Somaliland ay ansixiyeen  Xeerka Baananka Islaamka XEER LR.55/2012  oo Maxaweynahay Jamhuuryada Somaliland uu saxeexay dhaqan gelinta xeerkaasi 2012 bishii 10/03/2012,”ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.

Waxa  weftiga Wasiir Sacad ee  shirkaas lagu casuumay ka mid ahaa Guddoomiyaha Wakaallada qurbojoogta Somaliland  Cabdi Cabdilaahi Xirsi  iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarijg,  Cabdiqani Axmed Xasan (Goole), waxaa intii shirku socday shahaado sharaf la guddoon siiyay weftigii ka socday Somaliland .

Weftigu muddada ay joogaan Tanzania ay la kulmi doonaan Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas, Augustine Mahiga oo hore u ahaan jiray Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ah diblomaasi aqoon sare u leh Somaliland iyo dawladnimadeeda.

Waxa kaloo weftiga Wasiir Sacad la kulmi doonaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan wadanka Tanzania.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply