Dhoobo soo Rogmatay oo ku Dishay Boqolaal Qof Kolombiya

0
253

Milateriga dalka Kolumbiya waxaa ay sheegen in in kabadan 250 qof ay dhinteen kadib markii dhoobo ay ku soo rogmatay dadkani oo ku noolaa magaalada Mocoa ee koonfurta dalkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska milateriga ayaa sidoo kale lagu sheegay in ku dhowaad afar boqol oo qof ay ku dhaawacmeen masiibadani, Halka boqolaal kalena weli la la’yahay. Kumanaan qof oo kamid ah kooxaha wax samatabixiya ayaa ka qeyb qaadanaya gurmadka loogu jiro badbaadinta dadkani oo la rumeysan yahay in ay ugu wacan tahay cimiladda oo aad u xun taasoo sababtay in waddooyinkii ay xidhmaan.

Wax aad moodo dhoobo buuro la eg ayaa xidhay waddooyinka waaweyn ee magaalada, Kadib saacado uu roob xoogan ka da’ayay halkaasi. Dhowr diblomaasiyiin ah oo ku sugan dalkaasi ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid dadkani Isla markaana ku yaboohay gargaar.

Madaxweynaha dalkaasi Kolumbiya Juan Manuel Santos ayaa halka ay mussiibada ka dhacday kaga dhawaaqay xaalada deg deg ah.

 

Leave a Reply