Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga ugu Baaqay Inay la Shaqeeyaan Ciidammada Booliska

0
281

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  sheegay inay xukuumadiisu garab taagan tahay ciidammada Booliska, waxaanu shacbiga ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidankaas oo uu ku ammaanay waajibaadka culus ee ay dalka u hayaan.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas ku sheegay mar uu shalay kormeer ku soo maray taliska guud ee ciidammada Booliska. “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta(shalay)  idiinku imaado kormeerkan oo aan soo arko hawsha aad qaranka u haysaan baaxadeeda, waanan idinku bogaadinayaa, waanan idinku garab taagnahay,waxaanan leeyahay hawshaasi aad haysaan ilaahay ha idin fudaydiyo, shacbi iyo xukuumadbana waxaan leeyahay aynu garab siino oo aynu is barbartaagno lana shaqayno meel aynu joognaba ciidanka Booliska,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxuu  soo indho-indheeyay  taliska guud ee ciidammada  Booliska, kormeerkaasi oo ujeeddadiisu ahayd dhiirigelinta ciidankaas iyo gaadiid fara badan oo ay xukuumadu ugu deeqday inay kaga hawlgalaan arrimaha nabadgelyada dalka, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu kormeeray dhisme casri ah oo loo dhisayo Booliska, kaasi oo madaxweynuhu hore u dhagax dhigay 20.01.2016kii, wakhtigana ku dhaw gebagabo.

 

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sareeye guuto Cadilaahi Fadal Iimaan, ayaa  ka mahadceliyay gaadiid nooca ciidamada boolisku adeegsadaan, kuwaas oo madaxwaynuhu ku wareejiyay. Taliyuhu waxa uu sheegay in gaadiidkan cusubi waxbadan ka taridoonaan hawl maal-meedkii ciidanka boolisku shacabka u qabtaan. Taliyaha ciidanka boolisku waxa uu sidaa ka sheegay kormeer shaqo oo uu madaxwaynaha Somaliland shalay ku tagay taliska guud ee ciidanka booliska.

 

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sareeye guuto Cadilaahi Fadal Iimaan ayaa isagoo ka warbixinayay sida madaxwaynuhu ugu heellan yahay horumarinta ciidammada  Booliska, wuxuu yidhi “Waxaad tahay madaxweynihii ugu horreeyay ee gaadiid intaas leeg u keenna ciidanka booliska intii qaranka Somaliland jiray. Gaadiidkani wuxuu   wax badan ka tari doonaa hawsha ciidanka boolisku u hayaan qaranka. Talaabadani waxay ka mid tahay tayaynta iyo horumarinta aad ciidanka booliska ku horumarinayso”

 

Taliye Cabdilaahi Fadal, oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray;  “Ciidanka Boolisku waxay hore u adeegasan jireen gaadiid qaarkood duug ahaayeen kuwaas oo u badan xaajiyado. Waxa dhawaan noo qorshaysan in kuliyada ay geli doonaan ciidanka boolisku in laga dhisi doono magaalada Hargeysa, taas oo ay maalgalin doonto dawlada Ingiriisku.”

 

“Mudane madaxwayne, waxa kaloo  xusid mudan dhismaha gaboobay ee taliska guud  laga dumiyay, kormeerkana aad ku soo martay sannadkii 1936-kii ayay dawlada Ingiriisku dhistay. Madaxwayne waxaad noqotay madaxwaynihii u horreeyay ee ku guulaysta in uu u hawlgalo meelo badanna u mara una dhabar adayga. Hadda waxa noo socda   dhisme casri ah,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska, ayaa ka qaybgalay bandhig ay ciidanku ka sameeyeen barxada taliska, oo uu taliye Cabdilaahi Fadal madaxweynaha tusay dhaqaalihii uu geliyey ciidammada midhihii ka dhashay, isagoo madaxweynaha siiyey warbixin dheer oo uu kaga waramay marxaladii uu ciidanku soo maray iyo doorka madaxweyne ahaan uu ku leeyahay dhismaha quwada ciidanka booliska, isagoo taliyuhu madaxweynaha u sheegay inuu yahay madaxweynihii u horeeyey ee booliska u dhagax dhiga dhisme intaasi leeg uguna deeqa saanad iyo gaadiid ay ku hawlgalaan wakhtiga shaqada qaranka ay ku jiraan.

 

 

 

Sidoo kalena Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiintii Madaxweyne Siilaanyo kormeerkaasi ku wehelinayey oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi,  “Maanta halkan xarunta birmadka ee ciidanka booliska Somaliland  kormeer kooban ayuu Madaxweynuhu ku yimid, waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Mudane Madaxweyne ciidamada booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo had iyo jeer u heegan ah adkaynta iyo xoojinta nabadgalyada qarankan. Nabadgalyada aynu ku naaloonayno ama aynu dugsanayno, ugu horayn ILAHAY ayeynu (SWT) ugu mahad naqaynaa ina siiyey nimcadiisaa balaadhan, bini-aadamku wuxuu helo waxa ugu qiimo badan nabadgalyo iyo iimaan, labadaaba waynu haysanaa, caawa waxa innaga maqani waa balaayo, balaayadana ILAHAY ha inaga hayo.”

 

“Nabadgalaydaasi ILAHAY ina siiyey xikmad iyo sababo ayey ku timaadaa, iskama timaado, waxay se ku timaadaa in dad u dibjiro, in dad u qolafoobo oo u gaajoodo, u dar-xumoodo, waxa galada ILAHAY ka sakow leh dadka amaanka ka shaqeeya habeen iyo maalin oo ah ciidamadeena amaanka ee nabada suga, haday tahay ciidamada booliska iyo kuwa qarankaba, waanu ku bogaadinaynaa siday waajibaadka iyo masuuliyada saaran ay u gutaan, waxaanu ku bogaadinaynaa daacadnimadooda iyo dadaalkooda, waxaanu ku dardaaraynaa inay halkaa dadaalka ka sii wadaan oo ay qarankooda habeen iyo maalinba u shaqeeyaan, waxaanu leenahay ILAHAY ayaa ajar ka helaysaan.”

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray; “ Dadweynaha waxaanu leenahay ciidamadu maaha cadowgiina, maaha nacab, waa kuwa nabadiina sugaya, waxay mudan yihiin ixtiraam, waxay mudan yihiin qadarin, waxay mudan yihiin in ceebta laga dhawro, waa bani-aadam, way gafi karaan macsuum maaha, odhan mayno ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wax gef ah ma galaan, annaguna odhan mayno gef ma galno, laakiin wax badan oo wanaagsan ayey qabtaan, wixii qaldama ama qaloocda waxa waajib ah in la toosiyo. Ciidammada qaranka waxaan ku dardaarayaa, marka laga tago xil gudashadooda, bogaadintooda iyo wanaagooda waxa waajib ku ah inay ka fogaadaan siyaasada iyo ku dhex milankeeda, arrintaa iyada ah si weyn ayaanu ciidamada ugu dardaaraynaa kuma ogin cudurkaa, waxa se aanu leenahay waa naga dardaaran iyo xasuusin, waxa kale oo aanu ku dardaaranayaa ciidamada qaranka gaar ahaan Ciidamada booliska Jamhuuriyadda Somaliland wax badan oo wanaagsan ayaa qabanaysaan, waan hubaal inaa wax badan qabateen, dadaalka halkaa ka sii kordhiya, waxa kale oo Xukuumad ahaan waajib inaggu ah inaynu dhawrno xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta, ma aaminsanin annagu Xukuumad ahaan eedaha faraha badan ee naloo jeedinayo ee ah in aanu nahay Xukuumad xoriyaadka iyo xuquuqaha muwaadiniinta ku tacadida, eedahaa waanu deedafaynaynaa, se way dhici karaan kiisas iyo dhacdooyin, ciidamada amniga waxaanu leenahay xuquuqda muwaadiniinta iyo xoriyaadka aynu dhawrno, cidkasta oo la xidhanayo waa in dariiq sharci ah loo maraa, intaasina waa iga dardaaran.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply