Markii uu inooga waramay ninkii xaakiimka ahaa ee caqliga badnaa nolosha siduu u fahmay wuxu yidhi : “ Ayeydeyna waxay ahayd mid markey dhinaceeda dhulka dhigto gama’da keliya marka jaarkeedu gam’o, oo hadaanu jaarkeedu gam’in iyaduna ma seexan jirin oo hurdo way kala dheeraayeen.
Maalintii waxaan booqan jirey qoys jaarkeeda ah waanan la qadeyn jirey iyadoo wax kalifaadi aaney jirin. Markaanu qadada ka farxalano barkimo ayuu ninku xageyga u soo tuuri jirey, markaasuu odhan jirey qaado hurdadaada maalinimo. Aad ayaan uga xishooday laakiin markii aan arkey isagoon go’ iyo furaash midna u baahneyn inuu seexanayo waxaan fahmey macnaha dabeecada nolosha,
Intaasi ka dibna waan seexday siduu isaguba u seexday, waanan toosey siduu isaguba u toosey, miisaankii jidhkeygu isma dhimin, qalbigayguna muu daciifin, laakiin waxaan helay macaanka dabeecad aanan hore u arag taas oo raacdey dhiigeyga, degteyna qalbigayga.
Mid kamida asbaabaha warwarka keena ayaa ah, in aad indho taagan nolosha ku daalacato, amaba indho shaki qaba, ka dibna ay natiijadu noqoto, kaa xisaabi, kaa xaasid, kaana hala hadlin. Arimaha si fudud u qaado oo nolosha ka dhig mid debecsan oon dhib lahayn; kana mid ahaw shakhsiyadaha naadirka ah ama tirada yar ee nolosha fahamsan.