Theresa May ayaa difaacday socdaalkii ay ku tagtay Sacuudi Carabiya, waxayna sheegtay in xidhiidhka ay UK la leedahay Sacuudiga uu muhiim u yahay ammaanka iyo horumarka.
Ra’iisulwasaaraha ayaa wajahaysa su’aalo ku saabsan taageerada UK ee xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga ee la dagaalamaya jabhadaha ku sugan dalka ay dariska yihiin ee Yemen.
Jeremy Corbyn oo ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa sheegay in UK ay samayso hub gacan ka gaysta “Masiibo bani-adamnimo”.
Laakiin ra’iisulwasaare May waxay sheegtay in ay sidoo kale deeq “aad u badan” bixiyaan.
Waxay sidoo kale difaacday xidhiidhada cusub ee ganacsi, iyada oo sheegtay in UK ay “xiriir wakhti dheer ah la lahayd Sacuudi Carabiya iyo Jordan.
Dalalkaas ayay sheegtay in ay ammaan ahaan iyo ganacsi ahaanba mihiim u yihiin.