Hargeysa (Dawan)- Guddida gurmadka abaaraha ee heer qaran ee Somaliland, ayaa shalay kulan kula yeeshay xarunta Madaxtooyadda Ururrada iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalka.
Kulankan oo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ku wehelinayay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddida gurmadka abaaraha, ayaa lagu falanqeeyay sida xukuumadda iyo ururrada iyo Hay’adaha samafalka caalamiga ahi ay iskula jaanqaadi karaan marka laga hadlayo hawlaha taakulaynta gurmadka abaaraha.
Kulankaas ka dib, waxa kwarbaahinta la hadlay Wasiirka Qorshaynta, Maxamed Ibraahim Aadan, Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cigge, Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi iyo Xaliimo Cilmi Weheliye iyo sarkaal ku hadlayay magaca Hay’adaha caalamiga ah.
“Muhiimada shirkan lagaga hadlayay waxa uu in aanu xidhiidh wada yeelanno oo meel ka wada jaanqaadno Hay’adaha caalamiga ah iyo guddidii taakuleynta gurmadka abaaraha iyo in aanu samaysanno meel aanu xogta ka wada qaadano ka dib si midaysan oo sax ah aan ugu gurmano dadkayaga abaareysan,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta, Maxamed Ibraahim Aadan.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray; “Waxaannu isla qaadanay in shanta gobol ee ugu waaweyn laga sameeyo xarumo xogta lagu soo ururiyo. waxaannu Hay’adaha ugu mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay noola shaqeeyeen.”
Afhayeenka Madaxtooyadda, Xueen Aadan Cigge (Deyr), oo dhinaciisa ka hadlay shirkaas wuxuu yidhi; “Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran, waxa uu la kulmay guddida abaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo iyaga sida tooska ah u qaabilsan Hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada bulshada.”
Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi oo ka tirsan guddida abaaraha ee heer qaran ayaa sheegay in qorshahan wax weyn ka tarayo qaabka farsamo ee gurmadka abaaraha, waxaannu yidhi; “Ujeeddada shirku waxay ahayd in hawshaa lagu jiro la mideeyo loona sameeyo meel keliya oo laga dhaqaajiyo si dadka oo dhan wax loo gaadhsiin lahaa meelna aan laba jeer wax loo gayn, meelna aanay qadeen, si fiican ayaa la iskula fahmay arrintaas.”
Xaliimo Cilmi Weheliye oo ka tirsan ha’yaddaha caalamiga ah ayaa sheegtay in ay sii kordhinayaa dedaalkooda la xidhiidha kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaarta ku habsatay gobollada bariga Somaliland oo saamaysay 1.5 Milyan oo qof.
Dawannews Hargeysa office