Cali Khaliif oo ka Hadlay Shuban Biyoodka ka Dilaacay Buuhoodle iyo Colaad ka Jirta Koonfurta Sool

0
307

Widhwidh(Dawan)- Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo ee wadahadalka kula jirta Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay saameynta abaartu   ku yeelatay xoolaha iyo  xannuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay Buuhoodle oo xusay  in dhimashadu marayso 15 qof magaalo madaxda gobolka oo kaliya, tobanaan kalena ay u jiifaan goobaha caafimaadka gobolkaas.

 

Cali Khaliif, waxa kaloo uu ka hadlay col muddo dheer ka taagnayd  deegaannada Koonfurta Sool oo laba beelood oo walaalo ah  ku dhex martay jiidaas.

 

“Waxaa  dhib ah dhimashadan uu sababay xanuunkan shuban biyoodka oo xog ururinta aanu samaynay ay ugu daran tahay Buuhoodle oo ay dhimashadu ay marayso 15 qof iyo magaalada Xodayo oo dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ah, haseahaatee ka mid ah magaalooyinka ay dadka deegaanku degan yihiin, taas oo iyadana la sheegayo in dhawr iyo toban qof ku dhimatay. Waxa kaloo la sheegayaa in xalay(habeen hore) magaalada Marqaan ay 3 qof ku dhinteen, dhinaca nugaasha  Talleex ilaa Xudun dhimasho sugan inkasta oo aanaan ka hayn anigu,  haddana dad badan ayaa fuuq baxaas u soo  dhacay oo u jiifa xanuunkanina gaadhay,”ayuu yidhi Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif oo shalay warbaahinta kula hadlay degmada Widh-widh oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa.

 

Mr. Galaydh oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray;  “Weli ma gaadhin kaloore (daacuun) xanuunkani, laakiin waa shuban biyood ay nafaqo darradu sababtay iyo weliba biyaha oo noocyadoodu kala duwan yihiin sida qadhaadhka oo loo qaadayo dad macaan cabi jirey ayaan ku sababayn  karaa.”

 

Waxa kaloo  uu  u mahadceliyey gurmado uu sheegay u badan ardayda wax ka barata jaamacadaha Boorame,Hargaysa iyo Burco iyo qaar iyaguna iskood isu-xilqaamay  oo Garoowe iyo Bosaso oo Puntland Soomaaliya ah ka yimmi.

 

Siyaasi Cali Khaliif,  waxa kale oo uu hadlay colaadda u dhaxaysa beelaha Qayaad iyo Bahararsame isagoo u mahadceliyey culimo gacanta ku haysa waanwaan nabadeed oo ay muddaba ku deminayeen xiisaddaa colaadeed ee muddada soo jiitamaysay.

“Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu tuso nabadda iyo wada noolaanshaha iyo deris wanaagga, beerkoodana burcad ha isu mariyo, wadahadalka noo socda annaga iyo xukuumadda Somaliland-na waa mid aanu isla qaadanay inaanu meel uga soo wada jeedsano, anagga oo isla qaadanay inaanu culimadaas uga danbayno oo ku taageero wax kasta oo ay codsadaan,iyagana ilaahay mar labaad ha tuso maslaxada iyo danta,”ayuu yidhi Cali Khaliif, waxaanu intaas ku ladhay; “Dadkii ku noolaa deegaankan  xoolihii way dhaafeen, gaar ahaan Lo’da iyo Adhiga oo ay maatadu ku noolayd, haddii ay wax u hadheenna waa wax aan badnayn oo Geella ah oo weliba aan ku qiyaasi karo inaanu isaguna jilicsan yahay. haseahaatee haddii nabad la helo oo salka la dhigo waxaan filayaa in wixii nooli ka soo kaban karaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply