Adhigu Muxuu Kaga Duwan Yahay Ma Yeedhaanka Kale?

0
294

Muddo badan ayaa la aaminsanaa in Adhigu  yahay kuwa ugu doqonsan  xayawaanada.  Laakiin malaha noocaas aha ayaa noqday mid been ah.  Adhiga oo ah xayawaan qurux badan oo ka manfac iyo waxtar badan xayawaanada kale ayaa ka maskax iyo maan batay dhamaan xayawaanada kale.

Dhigu wuxu noqday xayawaanka marka wax la barayo kan sida ugu dhakhsaha badan u famha ee u garta.

Darasaad cusub ayaa sheegtay inuu Adhigu leeyahay xusuus dheer oo uu ku garanayo wax la baro. Sida lagu baahiyay  Barta Interntka ee Bord Banda group, waxa jirta sawiro iyo muqalo yaab leh oo muujinaya maskax badnida Adhiga.

Waxa kale oo iyana cajiib ah in Caalamka oo dhan uu isku mid yahay Adhigu.  Waxaan daraasadda lagu ogaaday in Adhigu fahmo marka la safarinayo, Raashinka iyo  marka koox koox la isu raacinayo. Warbixintan ayaa muujisay  in Adhigu la qabsado isla markaana garto meelaha had iyo jeer la baro sida wadooyinka uu marayo, iyo meelaha uu biyaha ka cabo iyo xataa meelaha fog ee uu hoydo, arimhaasi oo dhamaantood ku adaga xayawaano badani inay gartaan in kasta oo lagu dadaalo baristooda.

Leave a Reply