Qoreyaasha Afrikaanka oo Kaalmo taariikhi ah ka Galay Abaalmarinta Suugaanta

0
277

Todobaadadii ugu Dambeeyey waxaa saaxadda caalamiga ah qabsaday hadalhayntii ugu badnayd ee ku saabsanayd kaalimihii ay hablaha Qorayaasha ee u dhashay qaarada Afrika ka galeen abaalmarinta caalamiga ah ee suugaanta haweenka , iyadoo la soo dhejiyey liiskii kama dambaysta ahaa, abaalmarinadiina la soo diyaariyey, qorayaasha afrikaankuna ay samaynayaan calaamad taariikhi ah, qaaradana ay dul dhigayaan khariirada dunida.

warbixinteenan waxaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah qorayaasha Afrikaanka ah ee saaxadda caalamiga ah ka muuqday.

Ayobami Adebayo waa qoraa 28 jir ah oo  sanadkan gashay liiska kooban ee kama dambaysta ah ee tartanka qorayaasha caalamka ee dhanka suugaanta oo ay maamulayaan Hay’adda Baileys Women’s Prize for Fiction. Ayobami waxa ay qortay Novel-ka ay ugu magacdartay ‘stay with me” waxana ay  ku jirtaa liiska kooban ee isu soo hadhay, waana qoraaga afraad ee Afrikaan ah ee loo soo xulay abaalmarintan oo soo jirtay muddo 21 sanadood ah.

Abaalmarintan Baileys Women’s Prize for Fiction oo hore loogu yaqaanay the Orange Prize for Fiction waa mid si madaxbanaan loo aasaasay looguna talogalay dhiirrigelinta suugaanta, waxaana la qabtaa sanadkiiba hal mar iyadoo qiimaha abaalmarinteedu yahay 30.000 oo Lacagta Euro-da ah.

Ayobami waxaa ku weheliya liiska kooban ee kama dambaysta ah qorayaasha kale ee afrikaanka ah ee ay ka mid yihiin  Chimamanda Ngozi Adichie oo leh buuga loo yaqaano ‘Purple Hibiscus ‘ oo tartankii kan la mid ahaa ee sanadkii 2004 liiska kama dambaysta lagu soo daray, sanadkii 2007-diina abaalmarintaa uu ku guulaystay buugeedii ay ugu magacdartay ‘Half of a Yellow Sun’, waxaa kaloo liiskan cusub ku jirta gabadha u dhalatay wadanka siralyoon, haysatana dhalasha Scottland ee Amminata Forna oo ku tartamaysa Buugeeda ‘Memory of Love ‘ iyo gabadha kale ee asal ahaan ka soo jeeda wadanka Ghana, haysatana dhalashada Dalka kanada ee Esi Edugyan oo qortay buuga ‘ Half-Blood Blues ‘.

Qorayaasha dhanka suugaanta ee tartankan ka qayb qaadanaya waxaa ka mid ah Imbolo Mbue,oo ah qoraaga u dhalatay Dalka Kamaruun mudooyinkii u dambeeyeyna haystay cinwaanada jaraa’idka caalamka, waana gabadhii uu buugeedii hore ee ‘Behold the Dreamers’ uu soo saaray qiimo gaadhaya Us $ 1 Milion sanad gudihii.

Guud ahaan buugtii ka soo qaybgashay tartanku waxay gaadhayeen ilaa 500 buug waxaana qoraaga kaalinta koowaad ku guulaystaa uu heli doonaa abaalmarin lacageed oo muhiim ah.

Leave a Reply