Xildhibaan Ducaale oo ku Taliyay In Awooda la Saaro Samato-bixinta Bulshada Abaartu Tabaaleysay

0
300

Hargeysa(Dawan)- Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida joogtadda ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md.   Axmed    Ducaalle   Bulaalle, ayaa walaac xoogan ka muujiyay  xannuuno ka dilaacay  degaanno  k mid ah gobolka Buuhoodle iyo xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkii abaartu haleeshay ee ku dhaqan  goballada bari ee  dalka Jamhuuriyada Somaliland.

 

Xildhibaan Ducaale, ayaa ku baaqay  in loo    gurmado dadka xannuunku haleelay,waxaana uu tilmaamay  shuban biyoodku ka soo gudbay dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xuduud la leh Somaliland.

“Abaar xoogan ayaa wali ka jirta dalka gaar ahaan goballada bariga xoolihiina intoodii badneyd way dhammaadeen,  imikana halista taagani waxa weeye cuduro ayaa dilaacay goballada bariga  oo xannuunka   shuban biyoodku  ka mid yahay,   waxaanu  ka soo gudbay  kililka shanaad ee Itoobiya,waxaana uu  soo gaadhay xanuunkaasi deegaannada gobolka Buuhoodle.

Macaluul ayaa  ka jirta  jiidaha abaareysan,   dadkii xoolaha dhaqanayayna marxaladii ugu adkayd ayay galeen oo waa Kaliil roobkiina waa inoo di’i doonaa sidii ilaahay  laga arki jiray,”ayuu yidhi Xildhibaan Ducaalle.

 

Xildhibaanku wuxuu ugu baaqay dawladda iyo Goleyaasha in tallaabada ugu weyn ee qaranku awooda saarayaa ay noqoto samato-bixinta bulshada abaareysan, waxaanu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa dawladda,  goleyaasha  qaranka,   xisbiyadda iyo bulshadaba, waxaan leeyahay waa inay noqoto waxa qudha ee aynu diirrada saaraynaa ay noqoto gurmadka dadka  abaartu hayso iyo degaannadaas  xanuunku ka dilaacay iyo sidii   dhimashada dadka loo badbaadin lahaa, arrinta aan  ku baaqayaa waa taas waana  in    la  joojiyo xafladaha  la qabanayo.”

 

Xildhibaan Bulaalle,  waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo awoodii baanka dhexe uu wax kaga qaban lahaa sicir bararka iyo sarif bararka dalka ka taagan; “Sida wax looga qabanayo kor u kaca doolarka iyo sicir bararka oo ay keentay lacagtan sida  faraha badan  loo isticmaalayo ee doolarka oo qiimo riday shilinka Somaliland.

Waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo baanka dhexe Somaliland, dawlad kasta baankeeda ayaa la dagaalama  daalaa dhaca lacagta,   baankuna malaha awoodii uu wax ku kaantarooli lahaa cidda sicir bararka wax ka qaban kartaana  waa  baanka oo la xoojiyo awoodihiisa iyo shaqadiisaba, Golaha Wakiilladuna  wuu taageeray in baanka la xoojiyo,”ayuu yidhi Xildhibaan Ducaalle.

 

 

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in ceeb ku tahay in qaar ka mida   xildhibaannada  Golaha Wakiillada ka soo xaadiri waayaan    fadhiyadda golaha,waxaanu yidhi;  “Golaha Wakiillada xeer hoosaad ayuu leeyahay laakiin mar baa wax ka bedal lagu sameeyay, markaa qodobbadii wax ka bedalka lagu sameeyay ayaa la leeyahay hala fuliyo oo ha lagu shaqeeyo.waa dhibaato taagan in xildhibaannadu ka soo xaadiri waayaan fadhiyadda golaha  xildhibaankuna hawl ayuu yeelan karaa,  laakiin maqnaashuhu waa in uu cudur daarkiisa ayuu yeelan karaa,waana ceeb xildhibaanku in uu ka  maqnaado fadhiyadda  golaha oo uu dibadaha iskaga baxo xildhibaanada qurbo jooga ah ayaana u badan in dibadaha iskaga maqnaadaan oo iska dhoofaan ceeb weeye  golihii oo shaqaynaya  haddii aanu ku maqnayn xannuun ama hawl kale.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply