Edna Aadan oo Sheegtay In Maalgelinta Marsadda Berbera ay Somaliland u Horseedayso Horumar Dhaqaale

0
282

Hargeysa(Dawan)- Wasiirkii   hore  ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda   Somaliland  Drs.  Edna Aadan Ismaaciil,  ayaa soo dhawaysay maalgashiga dekedda Berbera iyo  saldhigga millatari ee Imaaraadka carabta ka samaysanayo madaarka magaalada  Berbera.

Edna Aadan waxay sheegtay in maamulka Soomaaliya ee hore u xasuuqay dadka reer Somaliand  ay  ka xun yihiin  maalgashiga  shirkadda  DP World ku samaynayso  dekedda Berbera iyo  saldhigga milllatari,waxaana ay tilmaantay in dekedda ay kobac dhaqaale samayn  doonto,isla markaana    ganacsi badanina soo   mari doono marsadda.

 

“Aniga oo ku salaynaya fikirkayga iyo waayo aragnimadayda ku  wajahan  sidaan u darsey  mawdiica saldhigga millatari ee Imaaraadka carabta ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera,ma wax inoo dan ah baa  mise waa  waxaan  dan inoo ahayn dal ahaan.  markaa   dhawr   dhinac ayaan   markii aan dhinacyo kala duwan dhegaystay   ra’yigayga ayaan ka dhiibanayaa Edna ahaan,  anigoo aan  xisbina  ku jirin, lacagna laygu siin goob joogna ka hayn meeshii heshiiskaas lagu galay,ilaahayna waan ugu mahadnaqayaa heshiiskaas la galay,”ayay tidhi Marwo Edna Aadan oo u warantay SLNTV.

 

Marwo Edna waxay sheegtay in saldhigga dawladda imaaraadka laga siiyay Berbera aanu ahayn mid waxyeelo  ku leh dawladda Itoobiya ee jaarka la ah Somaliland, waxaanay tidhi, “Berbera way dayacneyd. Itoobiya waynu isku dhow nahay oo  ganacsi ayaa innaga  dhaxeeya,  wixii  Itoobiya waxyeelo u gaystaa   innagana  way inoo geysteen. Itoobiya  waa dawlad maskax  leh oo way ogtahay wixii Somaliland wax u geystaa inay iyagana dhibaato u yeelanayso, xaga nabadgelyadana waynu isku xidhan yihiin Somaliland iyo Itoobiya. Markaa saldhiggani ma aha meel Itoobiya lagaga duulayo iyana way ogtahay sidaas.”

 

“25 sannadood  ayaa laga joogaa wakhtigii aynu ka go’nay Soomaaliya oo ahayd cadowgii weynaa ee Somaliland xasuuqay ee baa’biinayay. Soomaaliya maantana kuma farxayso  hambadii ka hadhay dadkii ay xasuuqeen inay ka madax-fiiqnaadaan dhinaca horumarka,”ayay tidhi Wasiirkii hore ee Khaarajiga Somaliland, waxaanay intaas ku ladhay; “Haddii dekedda Berbera  ay kobacdo oo la dhiso oo   ganacsi badani soo maro,   cadowga badan ee doonaya in aanay deked noqon  u yaraysan maayaan in shil ka dhaco waanay jeclaysan lahaayeen in budhcad baddeedii dib u soo nooleeyaan ee ay  horeba uga taajireen ee dhag xumada u soo jiiday Geeska Afrika.”

Marwo Edna waxay sheegtay in maalgashiga dekedda Berbera uu Somaliland u horseedi doono horumar dhaqaale iyo mid ganacsi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply