Khubaro u dhalatay wadanka Tunisia ayaa ku guulaystay inay soo saaraan diyaarad yar, kadib markii ay in muddo ah ku hawlanaayeen inay diyaaraddaasi sameeyaan , waxaanay diyaaraddaasi waqtigan tijaabo ku maraysaa madaar ay lee yihiin ciidamada Cirka ee wadankaasi Tunisia.
Khubaradan waxa ka caawisay samaynta diyaaradan shirkadda ABC-FLY 22, iyada oo lagu sameeyey madaarkaasi oo ku yaala magaalada Burj Al Ameri oo ka tirsan gobolka Manouba, kaas oo caasimada Tunis ka xiga kaga Koonfur Galbeed 23 Km.
Waxaana tijaabadii ugu horeysay la mariyey diyaaraddan 11 bishan april , sida lagu sheegay warbaahinta dalkaasi Tunisia oo uu kasoo xigtay wargeyska Dawan,waana diyaaraddii 280-naad ee laga lee yahay wadanka Tunisia.
Diyaaradan ayaa qaadi karta ilaa 2 ruux ama laba qof, waxaana socon kartaa masaafo xadidan, inkasta oo khubaradani sheegeen inay doonayaan inay kordhiyaan masaafada socodka iyo dadkay qaadi karto markay tijaabada ka baxdo ee ay shaqo gasho.
Waxa sidoo kale dhanka Warshadaynta diyaaradan qayb weyn ka qaatay shirkad dalkaasi laga lee yahay oo xarunteedu tahay Fouchana ee degaanka Suburbs.