Sarkaal Fagaare Timaha kaga Jaray Dumar oo Tallaabo laga Qaadayo

0
279

Waaxda nabadgelyada wadooyinka dalka Neyjeeriya ayaa sarkaal ka tirsan anshax marisay ka dib markii filim laga duubay isagoo dumar uu xukumo ku ciqaabaya in uu  maqas timaha  kaga jaro.

Muuqaalka ayaa muujinaya nin askari ah oo maqas tinta kaga jaraya haween ka tirsan waaxda badbaadada wadooyinka.

Waxaa jira shuruuc u dhigan dumarka ka midka ah waaxda badbaadada wadooyinka ee heer federaal oo ka mamnuucaya inay timo dhaadheer la baxaan.

Afhayeen hadlay ayaa sheegay in sarkaalkan ficilka uu ku dhaqaaqay aysan ahayn mid qaanuunka waafaqsan.

Xogyahaha madaxweyne Buhari ayaa isagana cambaareeyey ficilka uu askariga ku dhaqaaqay oo uu ku tilmaamay mid lagu bahdilayo dumarka

Sarkaalka haweenka tinta kaga jaray fagaaraha ayaa ku ciqaabayay iyadoo la taagan yahay safka gaardiga subaxnimo. Kamana uusan hadlin amuurtani.

 

Qoraalladii la gelliyey facebooga ayaa laga saaray walow si weyn loogu baahiyay baraha bulshada. Qoraalka ayaa lagu sheegay in sarkaalka timaha jaraya uu sidoo kale baadhayay cidiyaha iyo labiska ciidanka.

post has now been removed

Askar kale oo qayb ka ahaa howshan ayaa iyagana loo yeedhay. Waxaana sidaasi sheegay afhayeen u hadlay waaxda badbaadada wadooyinka.

Baadhitaan ayaa socda waxaana la sheegaya in la qaadi doono tallaabada ku haboon.

 

Leave a Reply