Dawladda UAE oo ka Hadashay Biyo-xidheen Weyn oo ay ka Hirgelinayso Jamhuuriyadda Somaliland

0
425

Hargeysa(Dawan)- Hay’adda samafalka ee  Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation ee   Imaaraadka carabta  (UAE), ayaa  biyo xidheen weyn ka hirgelinaysa magaalada Hargeysa, si wax looga qabto abaarta iyo biyo yaraanta ka jirta Somaliland, siday faafisay  Wakaallada wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM shalay.

Koox farsamo-yaqaanno iyo Khubarro iskugu jiray ayaa ku hawlan  iskudubo-ridka  qaybtii ugu dambaysay ee qorshaha diyaarinta biyo xidheenkan, oo si rasmi ah loo shaacin doono maalmaha soo socda.

Mashruucan, waxa lagu fulinayaa qaraar  ka soo baxay Madaxweynaha UAE, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, dhaxal sugaha ahna Taliye ku-xigeenka guud ee ciidammada qalabka sida ee Imaaraadka, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyadda, Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, isla markaana ah Guddoomiyaha Hay’adda Khalifa Foundation.

Mashruucan oo loogu magac-daray “Soomaalida darteed, waxa uu qayb ka yahay mashaariicda Imaaraadku ku caawinayo Soomaalida Sannadkan, si loogu horumariyo xaaladda nololeed ee dadka abaaruhu tabaaleeyeen.

Geesta kalena, Dawladda Imaaraadka carabta, ayaa sannadahan dambe, waxay si weyn ugu soo jeedsatay Somaliland oo ay u aragtay inay tahay dal nabadoon oo leh dawlad lala macaamili karo, taasi oo ka dhalatay  dedaal badan oo uu qaddiyada Somaliland iyo fursadaha maalgashi ee ka jira uu u bandhigay Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Iskaashiga labada dal, wuxuu  xoogaystay markii sannadkii hore xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Horumarinta Marsooyinka ee DP World ee laga leeyahay Imaaraadku ay kala saxeexdeen heshiis lagu casriyaynayo laguna ballaadhinayo dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag dhan $442 Milyan oo doolar. Sidoo kalena waxa  dawladda Imaaraadka carabtu ay sannadkan la gashay xukuumadda Somaliland heshiis labaad oo ay saldhig millatari kaga sameynayso madaarka Berbera. Heshiiskan oo Somaliland ugu fadhiya ahmiyad siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa ku jira in dawladda isku-tagga imaaraadka carabtu ay dhisto jidka hawlbowlaha u ah ganacsiga ee isku xidha Berbera iyo Wajaalle iyo mashaariic kale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply