Tuulo Da’ ahaan Jirtay 14,000 Sanno Oo Laga Helay Waqooyiga Maraykanka

0
310

Waxa markii ugu horeysay la helay  tuulo da’ahaan aad u weyn , taas oo jirtay  14000 oo sanno, waxaana laga helay dhowaan tuuladan Waqooyiga Qaaradda Amerika gaar ahaana jasiiradda Triquet, taas oo 500 km u jirta Haradda Victoria ee Canada.

Khubaro saynisyahano ah ayaa tuuladan helay, iyaga oo sheegay inay saddex jeer ka weyn tahay  Ahraamta wadanka Masar, waxaana tuuladan la helay xili qodaalo laga samaynaayey jasiiraddaasi  Triquet.

Tuuladan oo dhulka hoose qaybo kamid ahi yihiin ayaa laga soo saaray waxyaalihii ay dadkii deganaa isticmaali jireen, kuwaas oo ay kamid ahaayeen laydhadhkii ay isticmaali jireen, waxyaalihii ay ku kaluumaysan jireen  iyo waxyaalo loo malaynaayo inay yihiin leebab oo af dhuudhuuban.

Tuuladan la helay ayaa muujinaysa cadayna u ah xiligii uu ka bilaabmay degaankaasi  xadaaradihii caalamka soo maray, waxaana ka hadashay madaxa kooxdaasi  oo lagu magcaabay  Alisha Goverio oo kamid ah jaamacadda Victoria University, sidoo kalena ka tirsan maxadka Hakai Institute , waxaanay sheegtay inay dhismeyaashani noqon karaan kuwo laga tixraco xadaradda degaankaasi.

Khubaradan oo qoraal ku daabacday wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qoraalkan ayaa sheegtay in laga heli karo baadhitaanadan taariikhda dadkii halkan deganaa iyo xiliyadii ay deganaayeen  iyo halkay ka yimaadeen dadka halkaasi deganaa.

Dadka halkan deganaa ayaa loo malaynayaa siday khubaradan sheegeen inay kasoo talaabeen wadamada Siberia iyo Yurubta barri , sidoo kalena kuwo kamid ah ayaa kasoo talaabay gobolka Alaska.

Leave a Reply