Guri Madhan Oo Laga Helay Lacag Dhan 43 Milyan Oo Dollar

0
339

Guri ku yaala magaalada Lagos ee wadanka Nigeria ayaa laga helay lacagtii ugu badnayd ee abid laga helo isla goob keliyaata oo dalkaasi Nigeria kamid ah , waxaanay lacagtani gaadhaysaa ilaa 43 Milion oo Dollar , waxaana lagu sheegay gurigaasi inuu ahaa mid laga guuray.

Lacagtan waxa heshay guddida la dagaalanka Musuq Maasuqa ee wadankaasi Nigeria ,waxaanay guddidani sheegeen in gurigaasi ay weerar ku qaadeen markii ay dadka deriska ahi ku soo wargeliyeen in gabadh maryo uskag ah xidhani shandado gelisay.

Waxa kale oo gurigaasi laga helay lacag dhan 27,800 iyo 23 million oo  lacagtar Naira ah , taas oo marka la sarifo noqonaysa  lacag dhan $ 75,000 oo Dollar, siday sheegeen kooxdaasi la dagaalanka Musuq maasuqa ee  Nigeria oo loo soo gaabiyo EFCC.

Ilaa hadda lama garanaayo lacagtaasi cidda leh, waxaana la tuhunsan yahay inay lacagtaasi tahay mid sharci daro lagu soo helay, ayna u eg tahay inay madax dawlada ka tirsani halkaasi geeyeen kuna qarsanayeen.

Warbixinta lacagtan ayaa lagu daabacay shabakad lagu magcaabo Nigeria Today oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay warbixintan, waxaana tan ka horeysay lacag sidan oo kale loogu qabtay madaar ku yaala magaalo kamid ah Nigeria oo lagu magcaabo  Kaduna oo waqooyiga dalkaasi ku taala.

Leave a Reply