Itoobiya oo Sheegtay inay 669 Ruux ku Dhinteen Mudaharaadadii

0
438

Hay’adda xuquuqda aadanaha Itoobiya ee EHRC oo dawladda hoostagta ayaa baarlamaanka u sheegtay in la dilay 669 ruux intii ay socdeen dibadbaxyadii dawladda lagaga soo horjeeday ee billawday bishii Nofembar ee 2015kii.

Mucaaradka iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in dadka dhintay ay aad uga badan yihiin tiradaas waxayna ku baaqeen baadhitaan madaxbannaan la sameeyo.

Haseyeeshee Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku gacan saydhay in baadhitaan caalami ah  lagu sameeyo siday wax u dhaceen, waxaanu sheegay in ay yihiin dowla xor ah , ayna ku filan yihiin arrinta baadhideeda.

Warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadanaha oo baarlamaanka la horgeeyay ayaa sheegtay in laamaha ammaanku ay adeegsadeen “awood miisaaman” si ay wax uga qabtaan mudaharaadyada.

Mudaharaadyada ayaa saameeyay gobolada Oromada, Amxaarada iyo gobolka Shucuubta Koonfureed.

Dawladda Itoobiya ayaa xaalad deegdeg ah ku dhawaaqday bishii Oktoobar ee sanadkii hore si loo joojiyo mudaharaadyada.

 

Leave a Reply