Dooni ku Degtay Ceel-daraad Iyo Dadkii Saarnaa oo la Raadinayo

0
670

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cali Jaamac Buureed,  ayaa sheegay in Doon nooca kaluumaysiga ahi ay ku dagtay deegaanka Ceeldaraad oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Berbera.

Cali Jaamac Buureed oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in doontan ay wateen lix nin oo kalluumaysato ahi, isla markaana ay kula qarqoontay badda u dhaxaysa Berbera iyo deegaanka Ceeldaraad,waxaana uu tilmaamay labo ka mida kaluumasatadaa la helay iyaga nool, isla markaana la la yahay doontii iyo afartii nin ee kale raq iyo ruux meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

“Waxa naloo soo sheegay in maanta (shalay) doon ay wateen kalluumasato ka baxday magaalada Berbera ay ku qaranqaratay deegaanka Ceeldaraad iyo biyaha  Berbera u dhaxaysa, lix qof ayaana watay doontaas, labo waa la helay, afar qof iyo doontiina waa la la’yahay,”ayuu yidhi Wasiir Cali Jaamac.

 

Waxa kaloo  uu sheegay in dabaylo ka dhacaya baddu ay sababeen in doontaasu dagto, waxaanu  yidhi “Waxaa loo malaynayaa in dabaylo dhacayay ay sabababeen in doontaasi ay dagto, guddoomiyaha gobalka Saaxil iyo isuduwaha wasaarada kalluumaysiga ee gobalka Saaxil-na waa la hadalnay in masiibadaa dhacday loo gurmado, oo maydadkii dadkaas la raadiyo, aad baanan uga xunahay in dadkaasi  dhintaan, waana qadar Illaahay, gurmad ayaanu ku jirnaa ,ciidammada badda Berbera ayay ka bixi doonaan, waa tagi doonaan, goobta shilku ka dhacay in kasta oo meeshu tahay meel dhib badan, waxaannu  ku wargalinaynaa kalluumaysatada in xiliyada dabayluhu ka dhacayaan badda in aanay socon, waana ay yaqaanaan ee waa inay iska ilaaliyaan si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka xiliyadaa badda ka jira.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply