Badhasaabka Togdheer oo ka Digay Adeegsiga Noocyada Hubka Fudud

0
294

Burco (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa sheegay in bishan gudaheeda ay gobolka ku geeriyoodeen shan qof oo ay dhimashadooda sababtay Tooray iyo budh, waxaanu digniin adag u diray bulshada ku dhaqan gobolka Togdheer.

Badhaasbka gobolka Togheer waxa kale oo uu digniin adag u diray meheradaha iibiya Faashashka iyo Midiyaha, waxaanu amar ku siiyay in aanay hubkaasi ka iibin dhalinyarada iyo ciddii aanay shaqadeeda ahayn, balse laga iibin karo oo kaliya wastaadka iyo ciddee kale ee ku shaqaysanaysa.

Maxamuud Saleebaan Ramaax isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi; “Shirkaygan jaraa’id waxa uu daaran yahay waa nabad-gelyada, markaan ka hadlayo nabadgelyada waad dareemaysaan waxaanu ka hadlayno. Xaqiiqdii bishaa aynu ku jirno ee dhawr iyo tobanka ah, dhimashada gobolka ka dhacday ee aan xabadda ahayn ee ay midiyi sababtay ee faash iyo budh sababay waa shan, dhaawacanu tiro ma laha.”

Badhasaabku waxa uu faahfaahin ka bixiyay hubka la isu adeegsanayo ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, waxaanu yidhi “Waxaa la adeegsanayaa hub wax dila, waa midi, waa Faash, waa Soodh iyo budhkii maraaraha lahaa, runtii shirkaygan waxaanu maanta isugu nimi in hawlahaa wax laga qabto, gaadiidka dhamaan waa laga baadhayaa, qoriga ayuu la mid yahay, gaadhiga faash ku jiro waa laga qaadayaa, hadday tahay kaantaroolada iyo hawl-galada gudaha magaalada.”

Guddoomiye Ramaax waxa uu intaasi ku daray “Dilkii ugu dambeeyay waxaa geystay laba booyadood oo ay wataan laba nin oo waawayn ayaa isu adeegsaday, waana nasiib darro, waa bir wax disha waxay la mid tahay xabada, tallaabo adag ayaanu ka qadaynaa, cid walibana ha ogaato hubkaasi in laga ururinayo magaalada, waxaa intaa noo raacda meherada iibiya waxaanu faraynaa in aanay ka iibin ciddii aanay shaqadeeda ahayn, hase yeeshee waxaanu leenahay qalabkaasi cidda ay ka iibinaysaa ha noqoto ciddii ay shaqadeeda ahayd, waana in aanay ka iibin inan yar.”

Badhaasbku sidoo kale waxa uu digniin kale u diray meheradaha iibiya xabagta, kuwaasi oo uu ku dhaliilay in ay ka iibiyaan caruurta darbi jiifka ah ee xabagta cabta, waxaanu yidhi “Xabagta laga iibinayo ciyaalka ee gidaarada lala fadhiisanayo waxaanu faraynaa meheradaha iibiya qalabka dhismaha, in aanay ka iibiin caruurta, habeen kasta laba iyo taban baaruur oo ciidan ah ayaa heeganka gala, waanay ku jirayaan, boolisku ma seexan doonaan, horena umay seexan jirin, waxaanu qaadaynaa tallaabo adag, nin waliba waa in uu is ilaaliyo, dibjiriinta dibada ayaanu iska helaynaa, waalidiinta waxaanu faraynaa in aanay ka daba iman caruurta edebdarada lagu qabto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply